Home WARARKA Xasan Sheekh oo Kampala u tegaya kulan siyaasadeed xasaasi ah, cadaadisna wajahaya...

Xasan Sheekh oo Kampala u tegaya kulan siyaasadeed xasaasi ah, cadaadisna wajahaya kadib fashilka dadaalladii heshiis

6
0

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta la filayaa inuu safar hal maalin ah ku tago dalka Uganda, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, iyadoo safarkan uu ku soo aadayo xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo cakiran, isla markaana ay sii xoogeysanayaan dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Safarka Xasan Sheekh Maxamuud ee Kampala ayaa la sheegay inuu yahay mid waqti kooban qaadanaya, balse xambaarsan muhiimad siyaasadeed oo weyn, maadaama uu ku soo aadayo xilli muddooyinkii u dambeeyay ay adkaatay in la helo heshiis siyaasadeed oo dhex mara dhinacyada isku haya arrimaha doorashada, dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ku saabsan in khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya uu gaaro heer ka sii adag, haddii aan la helin hannaan wada-hadal oo ay dhinacyadu si dhab ah ugu wada qancaan.

15-kii bishan November ayaa loo asteeyay waqti la filayay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo siyaasiyiinta ay isku khilaafsan yihiin arrimaha siyaasadda ay ku gaaraan heshiis, balse dadaalladii la sameeyay ayaa ilaa hadda u muuqda kuwo aan miro-dhalin.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo ka badan 70 maalmood wajahaya dadaallo siyaasadeed oo la doonayay in lagu mideeyo dhinacyada kala aragtida duwan, hase yeeshee, isku dayada kala duwan ee la sameeyay ayaan weli keenin heshiis siyaasadeed oo la isku raacsan yahay.

Dib u dhacan ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo mustaqbalka siyaasadda dalka, iyadoo ay jiraan dhinacyo ku adkeysanaya in xal siyaasadeed lagu gaaro wada-tashi, heshiis iyo in la helo hannaan ay dhammaan dhinacyadu ku kalsoon yihiin.

Uganda ayaa hadda laga filayaa inay noqoto goob ay ka dhacaan kulamo iyo dadaallo diblumaasiyadeed oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan haddii ay suuragasho in Madaxweynaha Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay isku arkaan madal ay ku jiraan madaxda dowladaha ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Madal noocaan ah ayaa yeelan karta saameyn siyaasadeed oo weyn, haddii ay isku yimaadaan Madaxweynaha Soomaaliya, siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda dowladaha taageera howlgalka amniga Soomaaliya.

Diblumaasiyiin shisheeye oo la sheegay inay ku sugan yihiin Kampala ayaa sidoo kale la filayaa inay door ka qaataan dadaallada lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo la isku dayayo in dhinacyada la isku hayo loo helo waddo ay ku gaaraan heshiis.

Waxaa sidoo kale jiray qorshe la sheegay inuu Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ku imaan lahaa magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb qaato dadaallada dhex-dhexaadinta siyaasadeed ee Soomaaliya, balse safarkaas ayaa la sheegay inuu baaqday.

Hadda, kulanka Xasan Sheekh iyo Museveni ee Kampala ayaa noqon kara fursad dib loogu dhaqaajiyo dadaalladaas, iyadoo Uganda ay muddo dheer ku lug lahayd arrimaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, kana mid tahay dowladaha ciidamada ka jooga dalka.

Uganda waxay horey u muujisay taageerada ay u hayso Soomaaliya, iyadoo kulamo hore oo labada Madaxweyne dhexmaray ay diiradda saareen amniga, dowlad-dhiska, dib-u-habeynta siyaasadeed iyo iskaashiga labada dal.

Safarka Kampala ayaa ku soo aadaya xilli Xasan Sheekh Maxamuud uu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya, iyadoo khilaafka siyaasadeed uu u baahan yahay xal aan ku koobneyn kulamo iyo baaqyo, balse lagu gaaro heshiis dhab ah oo ay dhinacyadu ku wada qancaan.

Haddii dadaallada Kampala ay ku dhammaadaan heshiis la taaban karo, waxaa suuragal ah in dib loo yareeyo xiisadda siyaasadeed, lana abuuro jawi u sahla dhinacyada inay dib ugu laabtaan wada-hadal.

Hase yeeshee, haddii kulanka iyo dadaallada diblumaasiyadeed ee halkaas ka socda aysan keenin heshiis, isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkeysto mowqifkiisa isaga oo aan wax tanaasul ah sameyn, waxaa laga cabsi qabaa in khilaafka siyaasadeed uu u gudbo marxalad ka sii adag, taas oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida dalka, amniga, dowladnimada iyo mustaqbalka geedi-socodka siyaasadeed.

Kampala waxay sidaas ku noqon kartaa meel lagu kala saaro laba waddo: mid lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo dalka ka badbaadiya khilaaf sii daba dheeraada, iyo mid horseedi kara xaalad siyaasadeed oo aan la saadaalin karin halka ay ku dambeyn doonto.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here