Home WARARKA Ciidanka Soomaaliya oo la wareegay Leego iyo Jameeco, burburiyay fariisimihii Al-Shabaab

Ciidanka Soomaaliya oo la wareegay Leego iyo Jameeco, burburiyay fariisimihii Al-Shabaab

10
0

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Leego iyo Jameeco, halkaas oo ay ku burburiyeen saldhigyo, difaacyo iyo fariisimo ay kooxda ku lahayd aaggaas, sida lagu sheegay xogta laga helay howlgalka.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale la sheegay inay la wareegeen gacan-ku-haynta deegaannada Leego iyo Jameeco, iyadoo howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada milatariga Soomaaliya ay ku doonayaan inay ku wiiqaan awoodda kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay dib ugu xaqiijiyaan amniga deegaannada ay ka socdaan dagaallada.

Howlgalkan ayaa ku wajahan fariisimihii iyo difaacyadii ay kooxda ku lahayd deegaannadaas, kuwaas oo la sheegay inay u adeegsan jireen abaabulka dagaalyahannada, isku-socodka ciidamada iyo qorsheynta weerarrada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah.

Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada dowladda ay muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka wadeen waddada isku xirta Leego iyo Buurhakaba, iyadoo hawlgalladaasi ay qeyb ka yihiin qorshaha Hawlgalka Banooda ee lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab, laguna sugo waddooyinka muhiimka ah.

Dagaallo dhowr ah ayaa hore uga dhacay aagga Leego iyo Jameeco, gaar ahaan 26-kii Oktoobar, markii weerar lagu qaaday kolonyo ciidamada dowladda ah. Dagaalkaas ayaa sababay khasaarooyin kala duwan, iyadoo Wasaaradda Gaashaandhigga ay sheegtay in Al-Shabaab laga dilay 75 dagaalyahan, 56 kalena la dhaawacay, inkastoo khasaaraha ciidamada dowladda aan si rasmi ah loo shaacin.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale 12-kii November dagaal ka dhacay Shanta Baraako, duleedka Leego, ku sheegay inay dileen xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen fariisimo ay kooxda ku lahayd deegaanka.

La wareegidda Leego iyo Jameeco waxay muhiim u noqon kartaa isku-socodka ciidamada, gaadiidka iyo dadka shacabka ah ee isticmaala waddooyinka isku xira Muqdisho, Baydhabo iyo deegaannada kale ee Koonfur Galbeed.

Si kastaba, waxaa muhiim ah in la helo ciidan joogto ah oo suga amniga deegaannada la sheegay in laga saaray Al-Shabaab, si looga hortago in kooxda ay dib ugu soo laabato fariisimihii ay hore u lahayd.

Dadka ku nool deegaannadaas ayaa sidoo kale u baahan amni, isu-socod xor ah, adeegyo dowladeed iyo in laga ilaaliyo weerarrada iyo qaraxyada ka dhici kara waddooyinka muhiimka ah.

Hawlgalka Banooda ayaa weli wajahaya caqabado amni, waxaana guusha dhabta ah ee howlgalka lagu qiimeyn doonaa awoodda ciidamada dowladda ay ku sii hayaan deegaannada ay la wareegaan, kana hortagaan dib-u-soo-noqoshada Al-Shabaab.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here