Home WARARKA Xasan Sheekh oo wada qorshaha Closed List, xeerka kuraasta BFS oo Golaha...

Xasan Sheekh oo wada qorshaha Closed List, xeerka kuraasta BFS oo Golaha Wasiirrada la horgeynayo

6
0

Xog cusub ayaa laga helayaa qorshaha doorasho ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo warar hordhac ah ay sheegayaan in Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha ay dhowaan ka doodi doonto xeerka kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS), kaas oo lagu qeexay hannaan doorasho oo ku dhisan liis xiran (Closed List).

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in xeerkan lagu saleynayo nidaam ay xisbiyada siyaasadeed soo diyaarinayaan liisaska musharraxiintooda, iyadoo kuraasta baarlamaanka lagu buuxinayo magacyada ku jira liisaska ay xisbiyadu gudbiyaan.

Hannaankan ayaa ka duwan doorashada qofka iyo codka, maadaama muwaadinku uusan si toos ah cod ugu kala dooran doonin musharraxiinta gaarka ah, balse xisbiyada siyaasadeed ay door weyn ku yeelanayaan soo xulista dadka ku matalaya baarlamaanka.

Sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah, waxaa qorshuhu yahay in xeerka marka hore la horgeeyo Golaha Wasiirrada, kaddibna loo gudbiyo guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka, iyadoo dhammaadka toddobaadkan lagu tilmaamay waqtiga la filayo in tallaabadaasi la qaado.

Arrintan ayaa dib u soo nooleyn karta doodihii siyaasadeed ee xoogga lahaa doorashadii 2019–2020, xilligaas oo Xasan Sheekh Maxamuud uu ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn uga soo horjeeday hannaanka doorashada ee liiska xiran.

Xilligaas, hindise-sharciyeedkii doorashada ee Golaha Wasiirrada ansixiyay bishii May 2019 ayaa markii hore watay nidaamka Proportional Representation – Closed List. Hase yeeshee, guddigii baarlamaanka ee dib u eegista ku sameeyay ayaa meesha ka saaray nidaamkaas, waxaana la qaatay hannaan kale oo qofka musharraxa ah si gaar ah loogu tartansiinayay.

Hadda, haddii xogaha sheegaya in dib loogu laabanayo Closed List ay rumoobaan, waxay dhalin kartaa su’aalo ku saabsan isbeddelka mowqifka siyaasadeed ee hoggaanka Villa Somalia iyo sababta xilligan loo dooranayo nidaamkii hore muranka dhaliyay.

Arrintan waxay kusoo aadaysaa xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo la xiriira muddo-xileedka hay’adaha dowladda iyo qaabka loo qabanayo doorashada soo socota.

Maxkamadda Sare ayaa 5-tii November 2026 soo saartay go’aan ku saabsan muddo-xileedyada hay’adaha dowladda, iyadoo dhinacyada siyaasadda ugu baaqday inay ku heshiiyaan hannaan doorasho muddo 30 maalmood gudahood ah, doorashadana lagu qabto 90 maalmood gudahood.

Sidoo kale, wadahadalladii siyaasadeed ee la qorsheeyay bartamihii November ayaan furmin, kadib markii mucaaradka ay dalbadeen dhex-dhexaadin caalami ah iyo dammaanad ku saabsan wadahadalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here