Ciidamada Mareykanka ayaa dib ugu laabtay saldhigga milatari ee Baledogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, toddobaadyo kaddib markii ay isaga baxeen saldhiggaas, iyadoo dib u soo laabashadooda ay ku soo beegmayso xilli la qorsheynayo howlgallo cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mareykanka ay dib ugu soo laabteen saldhigga, isaga oo sheegay inay halkaas ka fuliyeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Soo laabashada ciidamada Mareykanka ayaa dib u soo nooleynaysa doorka saldhigga Baledogle ee taageerada howlgallada milatari ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka socda gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaanada kale ee ay Al-Shabaab ku leedahay joogitaan.
Saldhigga Baledogle ayaa muddo dheer ahaa xarun muhiim u ah ciidamada Mareykanka iyo ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan kumaandooska Danab oo Mareykanku tababar, qalab iyo taageero dhinaca howlgallada ah siiyo.
Saldhigga ayaa loo adeegsadaa diyaaradaha, howlgalada gaarka ah, taageerada ciidamada dhulka iyo isku-duwidda howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya.
Intii ay ciidamada Mareykanka ka maqnaayeen saldhigga, waxaa la sheegay in ciidamada Danab ay sii hayeen xarunta, taas oo muujinaysa in saldhiggu uusan gebi ahaanba ka bixin gacanta ciidamada Soomaaliya, inkastoo ciidamada Mareykanka ay hakiyeen joogitaankoodii tooska ahaa.
Dib u soo laabashada ciidamada Mareykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay qorsheynayso howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo la doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda, lagana saaro deegaanada ay weli ku sugan tahay.
Sarkaalka laga soo xigtay warbixinta ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay kaalin ka qaadan doonaan taageerada sirdoonka, hagidda ciidamada Soomaaliya iyo duqeymaha cirka ah ee lagu beegsanayo goobaha ay Al-Shabaab ku sugan tahay.
Taageerada Mareykanka ayaa inta badan muhiim u ahayd howlgalada ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan marka la beegsanayo xarumaha, saldhigyada iyo saraakiisha muhiimka ah ee Al-Shabaab.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay maalmihii u dambeeyay ka fuliyeen howlgallo wadajir ah deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Bixitaankii ciidamada Mareykanka ee Baledogle ayaa hore loo xiriiriyay xaaladda dhabbaha diyaaradaha ee saldhigga, kaas oo la sheegay inuu u baahnaa dib-u-dhis iyo dayactir qaali ah.
Warbixin hore oo laga soo xigtay saraakiil ka tirsan AFRICOM ayaa tilmaantay in go’aanka ciidamada Mareykanka looga wareejiyay Baledogle uu la xiriiray arrimo dhaqaale iyo xaaladda dhabbaha diyaaradaha, kaas oo ay adkaatay in si ammaan ah loogu isticmaalo diyaaradaha qaarkood.
Ciidamada Mareykanka ayaa xilligaas loo wareejiyay meelo kale oo Soomaaliya ka tirsan, iyadoo taageerada milatari ee dowladda Soomaaliya aysan gebi ahaanba istaagin.
Dib ugu soo laabashada ciidamada Mareykanka ayaa hadda dhalinaysa su’aalo ku saabsan in wax laga beddelay xaaladda dhabbaha diyaaradaha, in dayactir lagu sameeyay ama in ciidamada ay dib ugu laabteen sababo la xiriira baahida howlgalada cusub.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) weli si rasmi ah ugama hadlin dib ugu soo laabashada ciidamada Mareykanka ee Baledogle, mana cadda tirada askarta dib ugu laabatay saldhigga ama muddada ay halkaas sii joogi doonaan.



