Home WARARKA Laba walaalo ah oo ku geeriyooday barkad biyood ku taalla deegaanka Xadhig-xadhig...

Laba walaalo ah oo ku geeriyooday barkad biyood ku taalla deegaanka Xadhig-xadhig ee Hargeysa

4
0

Laba qof oo walaalo ahaa, wiil iyo gabadh, ayaa ku geeriyooday barkad biyood ku taalla deegaanka Xadhig-xadhig, koonfurta magaalada Hargeysa, kaddib markii ay ku hafteen biyaha barkadda.

War ka soo baxay Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidanku habeennimadii xalay soo saareen maydadka labada walaalaha ah, kaddib markii ay heleen war ku saabsan dhacdada.

Sida lagu sheegay warbixinta ciidanka, dhacdadu waxay ka bilaabatay markii gabadha oo la noolayd xanuun dhanka maskaxda ah ay ku dhacday barkadda biyaha, waxaana markii uu isku dayay inuu soo badbaadiyo walaalkeed wiilka ah uu isaguna ku dhex geeriyooday.

Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo qaraabada ay ka baxeen labada qof, iyagoo Alle uga baryay inuu u naxariisto, ehelkoodana ka siiyo samir iyo iimaan.

Dhacdadan ayaa mar kale soo iftiiminaysa muhiimadda ay leedahay daryeelka, ilaalinta iyo la socodka dadka la nool xanuunnada dhimirka, gaar ahaan kuwa u baahan taageero joogto ah si looga ilaaliyo khataraha naftooda iyo deegaanka ku xeeran.

Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay in dadka qaba xanuunnada dhimirka aan lagu xirin silsilado ama qufullo, balse loo raadiyo daryeel caafimaad iyo goobaha ku habboon ee lagu taageero, si looga hortago dhacdooyinka halista ah ee naftooda waxyeello u geysan kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here