Home WARARKA Gantaallo nooca MAM ee Turkiga laga sameeyo oo laga helay haraadiga duqeymo...

Gantaallo nooca MAM ee Turkiga laga sameeyo oo laga helay haraadiga duqeymo ka dhacay gobolka Bari

3
0

Baaritaan lagu sameeyay haraadiga gantaallo laga helay goob duqeymo ay ka dhaceen deegaanka Baxaya ee buuraha Golis, gobolka Bari, ayaa muujiyay in hubka la adeegsaday uu ahaa gantaallada nooca MAM-L ee ay soo saarto shirkadda Roketsan ee dalka Turkiga.

Baaritaanka ayaa lagu saleeyay sawirro laga qaaday haraadiga laba gantaal oo laga helay goobta duqeynta, taas oo dhacday 21-kii May, waxaana weerarkaasi lagu dilay haweeney uur lahayd iyo saddex carruurteeda ah, halka aabbihii qoyska uu dhaawacmay.

Khubaro madax-bannaan oo ku takhasusay baaritaanka hubka ayaa falanqeeyay haraadiga gantaallada, iyagoo sheegay in astaamaha laga arkay ay la jaanqaadayaan hubka nooca MAM-L. Khabiir NR Jenzen-Jones ayaa sidoo kale sheegay in raadadka hubka ay muujinayaan suurtagalnimada in weerarka ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca Bayraktar TB2 ah.

Diyaaradaha Bayraktar TB2 ayaa waxaa isticmaala Soomaaliya, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, taas oo ka dhigaysa mid adag in la ogaado cidda si dhab ah u maamushay diyaaradda ama cidda amartay duqeynta, iyadoo haraadiga gantaalka keliya uusan caddeyn karin cidda fulisay weerarka.

Shirkadda Roketsan ayaa ka mid ah shirkadaha waaweyn ee soo saara hubka dalka Turkiga, waxaana ay soo saartaa gantaallo iyo qalab ciidan oo ay isticmaalaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Shirkadda Baykar, oo iyaduna laga leeyahay Turkiga, ayaa soo saarta diyaaradaha Bayraktar ee loo adeegsado hawlgallada milatari.

Turkiga ayaa sannadihii dambe ballaariyay dhoofinta qalabka milatari, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ay heleen dalal badan oo ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe. Soomaaliya ayaa sidoo kale ka mid ah dalalka isticmaala diyaaradaha Bayraktar TB2.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradaha ay u dhoofiso Soomaaliya iyo Suudaan lagu xiro shuruudo iyo dammaanado la xiriira in loo adeegsado si waafaqsan sharciga caalamiga ah, iyadoo aan la hayn xog rasmi ah oo xaqiijinaysa in hubka Turkiga lagu sameeyo si sharci-darro ah loogu adeegsaday Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, baaritaanka la xiriira duqeymihii ka dhacay Baxaya ma uusan xaqiijin cidda fulisay weerarka, inkastoo khubaradu ay aqoonsadeen nooca hubka laga helay goobta.

Arrintan ayaa dib u soo nooleynaysa doodaha ku saabsan duqeymaha cirka ee ka dhaca Soomaaliya, isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo ilaalinta dadka rayidka ah ee ku nool goobaha ay ka socdaan hawlgallada milatari.

Amnesty International ayaa baaritaan ay sameysay sannadkii 2024 ku sheegtay in laba duqeyn oo ka dhacay beer ku taalla deegaanka Jaffey ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu adeegsaday gantaallada MAM-L ee laga soo rido diyaaradaha Bayraktar TB2, kuwaas oo dilay 23 qof oo rayid ah, oo ay ku jireen 14 carruur ah. Hay’adda ayaa ku baaqday in duqeymahaas si madax-bannaan loo baaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here