Home WARARKA Ra’isul Wasaare Xamse oo xilka ka qaaday mid kamid ah Wasiiradiisa mid...

Ra’isul Wasaare Xamse oo xilka ka qaaday mid kamid ah Wasiiradiisa mid cusubna magacaabay

26
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan.

Wareegtada uu soo saaray Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre , ayaa loogu magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in uu noqdo Saalim Cali Ibrow.

“Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay howsha baaxadda leh iyo shaqada hortaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu u magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS” ayaa lagu yiri wareegtada Ra’isul Wasaaraha.

Xil ka qaadista Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa kusoo aaday xilli uu dhawaan sheegay in shaqo abuur u sameeyeen dad ka badan 2 kun oo qof, sannadka soo socdana shaqo u abuuri doonaan 40 kun oo qof, lamana iga sababta rasmiga ah ee Wasiirkan xilka looga qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here