Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowladda Jubaland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Dowladda Jubaland.
Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda ayaa Madaxweyne ku xigeenka kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.
Madaxweyne ku xigeenka 1aad ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa howlo shaqo oo la xiriira xalinta colaadii ka jirtay Degmada Luuq ugu maqnaa bilihii lasoo dhaafay gobolka Gedo.