Wareysi uu bixiyay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley ayaa iftiimiyay dadaallada diblumaasiyadeed ee socda iyo caqabadaha amni ee ka jira dalka Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin dadaallada Mareykanka uu ku doonayo in xal nabadeed oo diblumaasiyadeed loogu helo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeeyey khilaaf ka dhashay bilowgii sanadkan markii Itoobiya ay heshiis is afgarad ah la gashay maamulka gooni isu taagga ah ee Somaliland, heshiiskaas oo ay Soomaaliya u aragto mid meel ka dhac ku ah qaranimadeeda.
Heshiisku wuxuu siinayaa Itoobiya in ay ka kirayso qayb weyn oo ka mid ah xeebaha Badda Cas ee Somaliland.
Inta lagu guda jiro wareysiga lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, Riley oo xilka loo dhaariyay bishii May, ayaa VOA la wadaagay aragtidiisa ku aaddan sida ay uga go’an tahay Mareykanka inay helaan go’aano nabadeed iyo inay dowladda Soomaaliya ka taageeraan la dagaalanka argagixisada.
Xallin dublamaasiyadeed
“Aad ayaan uga warqabnaa oo aan si wada jir ah uga shaqeyneynaa si aan u hubinno in xal diblumaasiyadeed laga gaaray xaaladdan hadda jirta,” ayuu yiri. “Waa xaalad nasiib-darro ah, qas badan, oo ku bilaabmay… Is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaanan isku dayeynaa in aan ku xalino dariiqo diblomaasiyadeed.”
Turkiga oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Soomaaliya ayaa isku dayaya inuu dhex dhexaadiyo khilaafka u dhaxeeya dalalka deriska ah, isagoo labo wareeg oo wadahadal ah ku yeeshay Ankara heshiis la’aan.
Wasiirada arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo dalalkooda ku matalay shirka ayaan wax wada hadal ah yeelan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa wada xidhay.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa ku tilmaamay wada-hadallada xilligaasi inay ahaayeen kuwo “faah-faahsan, niyad-sami iyo aragti fog.
Cabdi Ceynte, wasiirkii hore ee qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya oo wada xaajoodka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in waxa kaliya ee ay labada dhinac ku heshiiyeen ay tahay in dib la isugu soo laabto 17-ka September.
“Arrinta udub-dhexaadka ahi waxa ay tahay Itoobiya oo diiday in ay baabi’iso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, kaas oo ah mawqifka Soomaaliya, haddii ay Itoobiya ku sii adkaysato mawqifkeeda ah in aanay ka bixin heshiiskaas, waxa aan filayaa in aanay jirin wax laga filayo wada-hadallada labada dal. ” Ayuu yiri Caynte.
Falanqeeye kale oo la hadlay VOA horraantii sannadkan, Cameron Hudson, oo ah cilmi-baare ka tirsan xarunta istaraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Washington, ayaa su’aal galiyay sida ay uga go’an tahay Mareykanka iyo awoodda uu u leeyahay inuu qaboojiyo xiisadaha ka taagan gobolka aan xasilloonayn.
Riley waxa uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay, in kastoo, laga yaabo in xal uu ka soo baxo wareegga saddexaad ee wada-hadallada Turkiga.
“Waxaa jira wada xaajoodyo socda,” ayuu yidhi.
Walaaca ku saabsan isku dhaca iman kara
Waxaa sii kordhayay cabsida laga qabo in xiisadaha ka taagan Soomaaliya ay isku badalaan dagaal hubeysan oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan Soomaaliya iyo Soomaalida.
Riley wuxuu sheegay in iska horimaadka noocaas ah uu yahay “wax aan la aqbali karin.”
Qofna ma aqbali karo inuu dhaco nooc kasta oo isku dhac ah, oo aad uga yar dagaal,” ayuu yidhi. “Taasi waa sababta qof kasta oo ka tirsan beesha caalamka uu u shaqeeyo si aan kala joogsi lahayn. Hubaal waxaan ka nimid Maraykanka iyo Washington, si aan u helno xal sax ah oo ku saabsan khilaafkan u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya. Tani gabi ahaanba waa loo baahan yahay. Si degdeg ah ayaa loogu baahan yahay, waxaadna haysataa awood buuxda oo taageero ah, Soomaaliya waxay samaynaysaa, si loo hubiyo in la helo xal dublamaasiyadeed oo sax ah.”
Ciidamada Itoobiya ayaa ka mid noqday howlgalka Midowga Afrika ee loo yaqaan ATMIS ee Soomaaliya bishii Janaayo 2012. Howgalkaas, ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa si rasmi ah uga howlgala howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Al-Shabaab. 5,000 ilaa 7,000 oo askari oo dheeraad ah oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan gobollo dhowr ah oo heshiis laba geesood ah la galay.
Bishii hore, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar tirsigiisu yahay 2748, kaasoo u ogolaanaya ciidamada ATMIS inay sii joogaan Soomaaliya illaa December 2024-ka.
Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaan ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan dhamaadka sanadka 2024-ka, gaar ahaan marka uu dhaco ATMIS-ka. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa bishii hore sheegay in ciidamada Itoobiya aysan qeyb ka noqon doonin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM, haddii aysan Itoobiya ka bixin heshiiska is afgaradka ee muranka dhaliyay.
U heellanaanta amniga Soomaaliya
Riley ayaa sheegay in Mareykanka uu yahay deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya iyo saaxiibada dhanka ammaanka ah, isaga oo bixinaya tobanaan balaayiin doolar sanadihii lasoo dhaafay oo isugu jiray shaqaale, qalab iyo maalgelin. “Maraykanku, tusaale ahaan, waxa uu cafiyey in ka badan $1 milyan oo deyn madax-banaan oo Soomaaliyeed ah,” ayuu yidhi.
Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu taageero buuxda siin doono howlgal kasta oo ujeedkiisu yahay in Soomaaliya laga dhigo meel nabdoon.
Laba arrimood oo degdeg ah
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka jiraan caqabado muhiim ah oo Mareykanka uu doonayo in uu dalka ka caawiyo.
“Waxaa jira laba arrimood oo degdeg ah: in la xaqiijiyo in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada qalabka sida oo ay ku jiraan booliska ay helaan dhammaan agabka ay u baahan yihiin si ay ula dagaalamaan kooxaha argagixisada ah ee argagaxa leh sida Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri. “Caqabadda kale ayaa ah in la hubiyo in dhaqaalaha Soomaaliya uu sii socdo, iyadoo maalgashi badan iyo isku xirka suuqyada caalamiga ah. Soomaaliya waxay u baahan tahay amni jireed iyo mid dhaqaale labadaba.”