Soomaaliya Oo Xaqiijisay Agab Milateri Oo Ka Timi Dalka Masar Isla Markaana Ay Dalbaday Wadashaqeyn Dheeraad Ah.

0
19

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dalka Masar ay ka heshay sahay ciidan oo isugu jira saanado iyo hub, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo difaaca qaranka. Hadal uu ka jeediyay Telefishinka, ayuu Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar, ku sheegay inuu uga mahadcelinayo Jamhuuriyadda Carabta taageerada Millitari ee ay mar walba la garab taagan tahay Dowladda Masar, waxa uuna shaaca ka qaaday in Somalia ay rajeyneyso inay hesho kaalmo Millateri oo dheeri ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Cumar waxa uu caddeeyay in Soomaaliya aysan hadda ka jirin ciidamo ka tirsan Milateriga Masar, haddana dowladda ay rajaynayso in mustaqbalka dhow ay soo dhaweyso ciidamada Masar si ay gacan uga geystaan ​​tababaridda ciidamada milateriga Soomaaliya iyo dib u dhiska ciidanka. Codsigan ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee Soomaaliya ay ku dooneyso in ay dib ugu soo celiso kaabayaashiisa difaaca iyo ilaalinta qaranimada.

“Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabo kasta oo ay ku difaacayso qaranimadeeda, waxaana uga mahadcelinaynaa walaalaheen Masar oo taageeradan noo fidiyay,” ayuu yiri Cumar. Waxa uu intaasi ku daray in Somalia iyo Masar ay leeyihiin taariikh iskaashi oo dhanka Milliteriga ah, isaga oo tixraacay kaalmadii Masar ay ka geysatay dagaalkii Somalia ay la gashay Ethiopia sannadkii 1977-kii.

Marka laga soo tago iskaashiga milateri ee ay la leedahay Masar, Soomaaliya waxa ay sidoo kale la xiriirtay Turkiga, iyada oo ka codsatay in laga caawiyo dib u dhiska ciidamadeeda badda, taas oo muujinaysa dadaalka ballaaran ee dalka uu ugu jiro casriyeynta iyo xoojinta nidaamka difaaca.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa ku nuux-nuux saday in dhammaan heshiisyada lala galay Masar ay yihiin kuwo sharci ah, isla markaana ay quseyso Qaranimada Soomaaliya, isagoo ku adkeystay in cid dibadda ah aysan xaq u lahayn inay farageliso xiriirka labada dal.

Horumarkaani waxa uu tilaabo muhiim ah u yahay xiriirka sii kordhaya ee dhanka militariga iyo diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo Soomaaliya ay wali ka socoto caqabado amni oo ka jira Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here