Laamaha Amaanka Hirshabelle ayaa galbeedka Jowhar ka wada howlgalo lagula dagaalamaayo isbaarooyinka loo dhigto gaadiidka Safarka ee adeegsada wadada Wareega oo Jowhar galbeed ka xigta.
Maalmo ka hor ayaa gaadiid kor u dhaafaaya 60 kuwaasi iskaga kala gudba gobolada Waqooyi iyo gobolka Banaadir ayaa loo geystay dhac looga furtay wixii aay wateen dadka shacabka ee safarka ahaa.
inta badan gaadiidkaas ayaa Jowhar u yimid ineey laamaha amaanka u soo gubiyeen dacwad ka dhan qolooyinka dhaca u geystay Maamulka gobolka iyo taliska booliska ayaana gaadiidkaas jowhar ka galbiyay si nabad ahna ku geeyay deeganka fiidow.
maamulka gobolka oo kaashanaya lamaha kala duwan ee ciidanka ayaa howlgalo ka wada galbeedka Jowhar kaasi oo aay kula dagaalamayaan raga isbaarooyinka dhigta dhacana u geysta gaadiidka safarka ah.
Saraakisha hogaamineysa ayaa digniin jeediyay dadka dhibaatada u geysta dadka safar ah ee mara wadada Wareega oo Jowhar galbeed ka xigta.