Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay in uu ceejiyey Khadiijo Cabdi Maxamed oo 20 jir ah, kadib fal naxdin leh oo ka dhacay degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho. Eedeysanaha oo lagu magacaabo C/casiis Cismaan Maxamed, ayaa hadda ku jira gacanta Boliska, iyadoo Dembi-baarayaasha ay wadaan Baaritaano socda.
War qoraal ah oo uu soo saaray booliiska Soomaaliya ayuu maamulka ku xaqiijiyay qabashada ninkan, waxaana uu xusay in eedeysanaha dhawaan uu wajihi doono dacwad maxkamadeed. “Dambi baarayaashu hadda waxay wadaan baaritaan, tuhmanaha waxaa la filayaa in dhawaan uu wajihi doono dacwad maxkamadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhacdadan oo naxdin iyo murugo ku beertay dad badan oo ku dhaqan caasimadda ayaa dareen ku beertay tacadiyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed. Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in labadan qof uu ka dhaxeeyay xiriir, inkastoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilka.
Geerida Khadiijo Cabdi Maxamed ayaa dhalisay caro iyo baaqyo ku aadan in cadaalada la horkeeno baraha bulshada, iyadoo bulshadu ay ka war sugayaan faah faahin dheeri ah oo ku saabsan baaritaanka iyo qaabka sharciga ah. Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay hubinayaan in kiiskan loo maareeyo si deg deg ah oo hufan.