Home WARARKA Maamulka Hawada Soomaaliya oo uga digay Flydubai ku xad gudubka dal ku...

Maamulka Hawada Soomaaliya oo uga digay Flydubai ku xad gudubka dal ku galka

25
0

Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya (SCAA) ayaa uga digtay shirkadda diyaaradaha ee Flydubai inay si buuxda u buuxiso shuruudaha fiisaha Soomaaliya, ka dib markii la ogaaday in rakaabkii Hargeysa u soo duulay aanu haysan fiisihii elektrooniga ahaa ee loo baahnaa (e-Visa).

Sida lagu sheegay warqad rasmi ah oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee SCAA Axmed Macallin Xasan Axaddii, maamulka ayaa sheegay in dhacdadani ay ku xad-gudbaynayso shuruucda socdaalka iyo duulista ee Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku tahay xuduudaha iyo amniga qaranka.

“Rakaabka ay Flydubai keentay Hargeysa waxaa la ogaaday inuusan wadan fiisihii Soomaaliya ee looga baahnaa safarka ka hor, taasoo si toos ah uga hor imaanaysa shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
SCAA waxay ku amartay shirkadu inay si deg deg ah u fuliso nidaamyo adag oo hubinaya si loo hubiyo in dhamaan rakaabka u socdaalaya Somaliya, gaar ahaan Hargeysa, ay helaan e-Visa Somaliya oo sax ah ka hor inta aanay dhoofin.

Wakaaladdu waxay ka digtay in u hoggaansanaan la’aanta ay ka dhalan karto tallaabo sharci ah, oo ay ku jiraan ganaax lacageed, joojinta duullimaadyada Flydubai ee Hargeysa, ama dib u eegis lagu sameeyo oggolaanshaha shirkadda ee hawada Soomaaliya.

Maamulka ayaa carrabka ku adkeeyay in u hoggaansanaanta sharciyada socdaalka aysan ahayn shuruud sharci oo keliya balse ay sidoo kale muujineyso ixtiraamka labada dhinac ee madax-bannaanida qaranka iyo heerarka duulimaadyada caalamiga ah.

Iyada oo laga jawaabayo, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland ayaa soo saartay amar cusub oo dhigaya in dhammaan diyaaradaha rayidka ah – kuwa qorshaysan, kuwa aan qorshaysnayn iyo kuwa ganacsiba – ay soo dalbadaan ogolaanshaha duulimaadka ka hor inta aanay soo gelin, ku sii gudbin, ama ka duulin hawada Somaliland.

Awaamiirtan oo loo asteeyay in ay dhaqan gasho 10-ka November 2025, ayaa lagu dhawaaqay in ay ka turjumayso madax-banaanida Somaliland ee dhulkeeda, hawadeeda iyo badeeda, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda.

Dhaqangelinta fiisaha elektaroonigga ah waxay calaamad u tahay ifafaale kii ugu dambeeyay ee khilaafka madax-banaanida ee u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa, kaasoo adkeynaya safarka, diblomaasiyadda, iyo iskaashiga gobolka. Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah. Inkastoo wareegyo badan oo wadahadal ah laga soo bilaabo 2012 – lagu qabtay London, Turkiga, Imaaraadka Carabta, iyo Jabuuti – wax heshiis siyaasadeed ah lagama gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here