Maxkamadda gobolka banaadir oo xukun dil ah ku xukuntay nin gubay xaas uur leh.

0
15

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku raacday xukunkii dilka ahaa ee Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ahaa in uu dilay xaaskiisa Luul Sheekh C/casiis oo uur u ahayd, iyadoo Maxkamadda ay ku gacan seyrtay racfaan uu ka qaatay, isla markaana ay ku caddeysay xukunno ay ridday maxkamadaha hoose. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed Yuusuf ayaa ku dhawaaqay xukunka, isagoo caddeeyay in Daa’uud lagu helay inuu si bareer ah u dilay xaaskiisa. Go’aanka kama dambaysta ah wuxuu soo afjarayaa hannaan sharci oo socday sagaal bilood kaasoo dhaliyay caro qaran wuxuuna hoosta ka xariiqay baahida degdegga ah ee wax looga qabanayo rabshadaha qoyska ee Soomaaliya.

Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku gubay gurigooda Muqdisho dabayaaqadii bishii Janaayo 2024-kii kadib muran qoys. Luul, oo ahayd shaqaale laga ixtiraamo garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, isla markaana leh lix carruur ah, ayaa ku geeriyootay Isbitaalka Erdogan. Intii ay socotay dacwadda, Daa’uud waxa uu qirtay in uu dabka shiday balse waxa uu ku andacooday in uusan ujeedkiisu ahayn in uu dilo. Dacwad oogayaasha ayaa ka hor yimid cadeymo ay ka mid yihiin haraadiga teleefoonka Cabdicasiis ee gubtay iyo marqaatiyaal ay ku jiraan carruurtooda, iyagoo ku dooday in falka Daa’uud uu ahaa mid ula kac ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 6-dii bishii hore ee March dil toogasho ah ku xukuntay Daa’uud, inkastoo difaacyadu ay ku doodeen in dabku uu ahaa shil, haddana Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir ayaa ku raacday xukunkii dilka ahaa kadib dhageysi badan. Xukunka maxkamadda sare oo uu soo saaray guddoomiyaha maxkamadda sare Yuusuf ayaa lagu caddeeyay natiijada ka soo baxday maxkamaddaha hoose, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo fuliyo xukunka.

Qoyska Luul Sheekh C/casiis ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda sare ee dalka, iyagoo muujiyay sida ay uga nasteen muddo bilo ah oo ay cadaalad u raadinayeen. Waxay diideen in Luul la aaso ilaa go’aan laga gaarayo waxayna diideen “lacag dhiig” oo lagu sii daayay Daa’uud. Qoyska Luul ayaa dalbaday in si deg deg ah loo fuliyo dilka Daa’uud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here