Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in la xiray Ertugrul Karafiyeli oo u dhashay dalka Turkiga, isla markaana ah Madaxii Shaqada iyo Shaqaalaha ee Shirkadda Favori LLC, Shirkadda maamusha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho (AAIA) iyo Dekedda Muqdisho. Karafiyeli waxa uu wajahayaa eedeymo culus oo xiriir ah, oo ay ku jiraan anshax xumo, hanjabaad, ku takri fal awoodeed, iyo ku xadgudubka heerarka anshaxa goobta shaqada.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Karafiyeli ayaa lagu eedeeyay in uu si xun ula dhaqmo shaqaalaha Soomaaliyeed isagoo adeegsanaya caga-jugleyn iyo ku takri fal awoodeed. Sidoo kale, eedeymaha lagu soo oogay ayaa waxaa ka mid ah ku xad-gudbi xeerka shaqada ee Soomaaliya, iyo sidoo kale eedeymo badan oo la xiriira xadgudubyo dhanka galmada ah, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsado haweenka ka shaqeeya garoonka. Kiis faraxumeyn ah ayaa horay uga socday maxkamad ku taalla Muqdisho ka hor inta aan la xirin, ka dib cabasho badan oo ay gudbiyeen haween ka tirsan shaqaalaha Favori LLC.
Shirkadda Favori LLC ayaa tan iyo sannadkii 2013-kii maamulaysay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxaana la sheegay in tallaabada Karaafiyeli ay sii xoojisay xurgufta u dhexeysa shaqaalaha Soomaaliyeed iyo maamulka shirkadda. Maamulka Soomaaliya ayaa hadda ku guda jira qaabeynta eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana Karafiyeli uu weli ku xiran yahay xabsiga oo sugaya in dacwad lagu soo oogo.
Xarigan ayaa daba socda cabashada shacabka ee ka dhanka ah qandaraaslayaasha ajnabiga ah ee ka howlgala Soomaaliya. Bishii la soo dhaafay, Hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa si cad ugu eedeeyay shirkadda Favori LLC iyo shirkad kale oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Albayrak in ay ka gaabisay fulinta heshiisyadii ay dowladda la gashay. Labada shirkadood ayaa lagu eedeeyay in ay ka horyimaadeen xisaab-xir madax-banaan oo lagu sameeyay howlahooda shaqo, iyadoo aan la sheegin faa’iidada ay heleen, isla markaana ay ku guul-darreysteen inay mushaarka siiyaan shaqaalaha. Waxaa kaloo soo noqnoqday eedeymo la xiriira anshax-xumo iyo xadgudubyo kale oo loo geystay shaqaalaha Soomaalida, gaar ahaan haweenka.
Tallaabooyinka dowladda Soomaaliya ayaa muujinaya waji cusub oo isla xisaabtan ah oo lala yeelanayo shirkadaha ajnabiga ah ee ka howlgala dalka, gaar ahaan markii ay sii kordhayaan walaaca laga qabo sida ay ula dhaqmaan shaqaalaha gudaha iyo u hoggaansanaanta sharciga Soomaaliya. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa mar kale ku celiyay sida ay uga go’an tahay in shaqaalaha Soomaaliyeed laga ilaaliyo dhiig-miirashada iyo xaqiijinta in shirkadaha ajnabiga ah ay u hoggaansamaan shuruucda shaqada iyo habraaca anshaxa ee qaranka.
Xarigga Karaafiyeli ayaa dood ballaaran ka dhaliyay Soomaaliya, iyadoo dad badan ay ku baaqeen in baaritaan ballaaran lagu sameeyo hab-dhaqanka shirkadda Favori LLC iyo shirkadaha kale ee ajnabiga ah ee ka shaqeeya kaabayaasha muhiimka ah ee dalka.