Home WARARKA Xiisad ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyey taliyaha saldhigga Dayniile

Xiisad ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyey taliyaha saldhigga Dayniile

24
0

Xiisad culus ayaa ka dhalatay xilka qaadis lagu sameeyay taliyihii saldhigga booliska Dayniile, Axmed Yalaxow, kaas oo lagu bedday Gaashaanle Dhexe Liibaan Shidane oo horay usoo noqday taliyaha saldhigga Dharkenley.

Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jayte oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay isbeddalka lagu sameeyay taliska saldhigga booliska degmada Dayniile, waxayna ku eedeysay inuu ka dambeeyo taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi.

Faa’isa ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka loo soo magcaabay taliyaha cusub uu yahay in lagu boobo dhulka dadka shacabka ah, uuna fuliyo amarrada la siinayo, sida ay hadalka u dhigtay.

“Haddii magafe Macallin Mahdi uu sida dhaxal u heysan karo kursiga Taliyaha Gobalka Banaadir Taliyaha saldhiga Dayniilana xilka uga qaado dadka rayidka ah aan boobo ee ogolow waa la arkaa” ayaa qoraalkeeda ku tiri Fa’iiso Maxamed Jayte.

Dhankiisa, Yaasiin Fiidshe oo kamid ah dhalinyarada deegaanka ayaa si adag uga falceliyay magacaabista taliyaha cusub, wuxuuna tilmaamay inuu yahay nin horay uga qayb qaatay barakicintii lagu sameeyay shacabkii ku dhaqnaa xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho.

“Taliyaha saldhigga Degmada Dayniile ayaa loo magacaabay G.dhexe Liibaan Shidane waa sarkaal Siinaay burburintiisa ka qey-qaatay jirdilna u geystay dad shacab ahaa” ayuu isna yiri Yaasiin Fiidshe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here