Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya Daraawiishta Galmudug iyo Ciidamo abaabulan oo deegaanka ah oo si wada jir ah howlgalo dardar leh uga sameeyay deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

0
16

Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug iyo kuwa deegaanka ee abaabulan ee loo yaqaano Macawisley ayaa lagu soo waramayaa in ay howlgalo xoogan ka wadaan deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada isku dhafka ah ayaa diirada saaray amniga guud ee deegaanadaasi iyagoo fariisimo cusub ka sameeystay wadooyinka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo isu socodka gaadiidka degmooyinka Koonfurta gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Saraakiisha ammaanka ee hogaaminaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanka ayaa tilmaamay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay sidii deegaanadaasi looga xoreyn lahaa, islamarkaana Shabaab looga saari lahaa.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan oo ku dhow dhow, ciidamada wadajirka ah ayaa helay xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab iyo dhaq-dhaqaaqyada, waxaana ciidamadu ay xaqiijinayaan in ay ka hortagayaan khatarta Al-shabaab ee deegaannadaas.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay kordhisay tirada ciidamada, waxaana ay xoojisay howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalka ka socda, waxaana sidoo kale ciidamada ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada koonfurta gobolka Mudug, si deegaanadaasi looga xoreeyo Al-Shabaab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siisay amniga, waxayna ballan qaaday in dagaal guud ay la geli doonto dagaalyahannada Al-Shabaab, iyadoo madaxda ugu sareysa ay ammaaneen ciidamada galantiga ah, waxayna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay isku soo baxaan oo ay cadowga ka guuleystaan ​​si ay dadkooda iyo dalkooda uga xoreeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here