Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

0
16

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u safray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shirka 79-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Marka laga soo tago mas’uuliyada uu ka hayo shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa in uu madaxda golaha, madaxda caalamka iyo diblomaasiyiinta kala hadli doono arrimaha muhiimka ah ee horyaalla Soomaaliya iyo guud ahaan beesha caalamka. Waxaa ka mid ah in laga wada hadlo nabadda, horumar waara iyo kor u qaadista xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dalalka kale.

Madaxda kale ee ugu sareysa ee ku wehlineysa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in ay la kulmaan Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo ku wehlin doona Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Qaramada Midoobay.

Boqolaal madaxweyne, ra’iisul wasaareyaal iyo boqorro ayaa lagu wadaa inay la hadlaan tobanaan wasiir, waxaana la filayaa in arrimaha shirka ay u badnaayeen khudbadahooda iyo kulamadooda gaarka ah, gaar ahaan dagaallada Gaza, Ukraine iyo Sudan iyo saameynta taban ee uu ku reebay. aduunka oo dhan

Hal-ku-dhegga sanadkan ayaa ah ‘Qofna ha ka tagin’, taas oo la macno ah in dhammaan xubnaha Golaha Qaramada Midoobay ay u midoobaan sidii ay xaaladda taagan si wadajir ah u wajihi lahaayeen, isla markaana loo maro hannaanka ku habboon sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here