Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Digniin Culus Ka Soo Saartay Ka Ganacsiga Hubka.

0
14

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa digniin culus ka soo saaray haysashada, adeegsiga iyo iibinta hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya. Wuxuu carrabka ku dhuftay in cid kasta oo lagu helo falalkan oo kale in la horgeyn doono maxkamadda iyadoo aan laga reebin.

General Shuute ayaa sheegay in maxkamaddu ay diyaarisay kooxo gaar ah oo si dhow ula shaqeeya ciidamada ammaanka “si ay si degdeg ah wax uga qabtaan xogta la xiriirta haysashada hubka sharci darrada ah.” Kooxahan waxaa loo oggolaaday inay soo saaraan waaranno u oggolaanaya inay baaraan guryaha iyo meelaha looga shakisan yahay inay ku kaydsan yihiin hub sharci-darro ah.

Jeneraalka oo hadalkiisa sii wata ayaa digniin u diray shaqsiyaadka ku lugta leh ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ama kuwa heysta hubka aan diiwaangashaneyn. Waxa uu ku nuux-nuux saday in qofna darajada uu doono ha ahaadee ama mansabkuu doono ha noqdee, haddii lagu helo hub sharci-darro ah, oo ay dowladdu si weyn ugu hawlan tahay sidii ay u xakamayn lahayd.

“In hubka lagu kala iibsado waa dambi weyn, waxayna khatar weyn ku tahay nabadgelyada muwaadiniinta iyo tan qaranka labadaba. Sidoo kale waa dambi in hubka lagu hayo guriga iyadoo lagu qarinayo mas’uuliyadaha rasmiga ah,” ayuu yiri General Shuute. Waxa uu sheegay in Maxkamadaha ciidamada qalabka sida ay si buuxda ugu diyaar garoobeen la shaqeynta ciidamada amniga iyo xeer ilaalinta si ay u fuliyaan howlgallada la doonayo in dalka looga cirib tiro hubka sharci darrada ah.

Digniintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo Jimcihii la soo dhaafay uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in gacan adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo ka ganacsata ama haysata hub sharci darro ah. Madaxweynaha ayaa ku amray ciidamada in ay qaadaan talaabooyinka ku haboon oo ay ka mid tahay in ay gacanta ku soo dhigaan dambiilayaasha maxkamadana la horkeeno.
Arrinta hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya ayaa ah mid si weyn looga welwelay ammaanka, waxaana uga sii daray colaadaha iyo xasillooni darrada ka jirta gobollada qaarkood. Digniintan ka soo baxday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa muujineysa sida ay dowladda uga go’an tahay inay wax ka qabato ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, taasoo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xasilinayo dalka.

Bilihii la soo dhaafay, waxaa sare u kacayay isku xirka garsoorka iyo ciidamada ammaanka, si wax looga qabto kororka hubka. Wadashaqeynta waxaa ka mid ah in la siiyo awoodaha garsoorka si deg deg ah loogu oggolaado weerarrada iyo soo qabashada, tallaabada loogu talagalay in lagu horumariyo hufnaanta howlgallada ka dhanka ah shaqsiyaadka ama kooxaha ku lugta leh ka ganacsiga hubka sharci darrada ah.
Horumarkan ayaa imaanaya xilli ammaanka gobolka si weyn isha loogu hayo, gaar ahaan xiisadaha sii kordhaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here