Home WARARKA Dhulka ay Al-Shabaab ka qabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya intii uu xilka hayay...

Dhulka ay Al-Shabaab ka qabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya intii uu xilka hayay Madaxweyne Xasan

27
0

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo laabtay xukunka Soomaaliya bishii May 2022, dowladda uu hoggaamiyo waxay bilowday dagaal lagu sheegay “xoreyn iyo badbaadin dalka.” Si kastaba ha ahaatee, muddo saddex sano gudahood ah, kooxda Al-Shabaab ayaa dib ula wareegtay dhul ballaaran oo horey uga hoos jiray gacanta dowladda, iyagoo sidoo kale weerarro culus ku qaaday magaalooyin iyo xarumo amni oo muhiim ah.

Deegaanada iyo magaalooyinka ay kooxda Al-Shabaab ka qabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya muddadii uu xilka hayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

1. Gobolka Hiiraan

Gobolka Hiiraan, oo ah halka dagaalkii ugu horreeyay ee “guulaha been-abuurka ah” lagu sheegay uu ka bilaabmay, ayaa markii hore laga xoreeyay dhowr tuulo, balse muddo kadib waxaa dib ula wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Deegaanada ay Al-Shabaab ka qabsatay Dowladda Federaalka ee Hiiraan waxaa ka mid ah:
• Tardo
• Ceel Hareeri
• Ceel Qooxle
• Mooro Ari
• Mabaax
• Moqokori
• Maxaas
• Aboorey
• Goobo
• Waab Ween
• Yasooman

Deegaanadan ayaa markii hore lagu sheegay in la xoreeyay, balse maanta waxay si buuxda ugu jiraan gacanta Al-Shabaab, halka qaarna ay noqdeen goob dagaal oo joogto ah.

2. Gobolka Shabeellaha Dhexe

Gobolkan oo ah mid istiraatiiji ah oo Muqdisho u dhow, ayaa sidoo kale laga arkay dib-u-soo-noqoshada xooggan ee Al-Shabaab. Waxaa si dhab ah u fashilmay qorshihii dowladda ee ahaa in ay gaarto degmada Cadale iyo deegaannada u dhow Jowhar iyo Balcad.

Dhulka ay Al-Shabaab dib uga qabsatay Dowladda Federaalka ee Shabeellaha Dhexe waxaa ka mid ah:
• Al-Kowthar
• Ceel Cali Axmed
• Daru-Nicma
• Aadan Yabaal
• Boos Caduur
• Ceel Busle
• Ruunir Good
• Masjid Cali Gaduud
• Biyo Cadde
•Xawaadleey
• Miir Taqwa
• Miir Tuugo
• Ceel Dheere
• Ceel Baraf

Inkasta oo dowladdu sheegtay inay “guulo amni” gaartay, haddana waddooyin muhiim ah sida waddadii Balcad iyo midda Afgooye ayaa weli aan la dhisin ama amnigeeda la sugi karin. Balcad-na waxay noqotay xadka ugu dambeysa ee ciidamada dowladda ay si buuxda u joogaan.

3. Gobolka Galgaduud

Dagaallo culus ayaa sidoo kale ka dhacay Galgaduud, halkaas oo Al-Shabaab ay dib ula wareegtay magaalooyin iyo tuulooyin muhiim ah oo horey loogu dhawaaqay in laga saaray.

Deegaanada ay Al-Shabaab ka qabsatay Dowladda Federaalka ee Galgaduud waxaa ka mid ah:
• Bacaad Weyn
• Cooswene
• Budbud
• Ceel Buur
• Wabxo
• Galhareeri
• Galcad
• Jacar
• Bargaan
• Good
• Qarac

Degaanka Ceel Buur iyo Galcad oo ahaa xarumo ciidan oo muhiim ah ayaa mar kale gacanta u galay Al-Shabaab, taasoo muujinaysa in howlgaladii dowladda aysan lahayn joogteyn amni ama qorshe ciidan oo waara.

4. Caasimadda Muqdisho

Inkasta oo dowladda ay ku faanto “amniga caasimadda,” haddana xaqiiqdu waxay muujineysaa in xaaladda amniga Muqdisho ay tahay mid lagu tiirsan yahay mirihii dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo.
Tusaale ahaan:
• Kaamirooyinka amniga ee lagu rakibay jidadka Muqdisho, kuwaas oo hadda lagu daba galo dhaqdhaqaaqa magaalo-madaxda, waxaa hirgelisay dowladdii hore ee Farmaajo.
• Saraakiisha amniga ee hadda gacanta ku haya NISA, sida Shakiib iyo saraakiil kale, waa kuwii dowladdii hore ee la dhisay nidaamkooda.

Waxaa xusid mudan in Wasiirkii Amniga ee hadda safiirka u ah Qatar uu dhaawac culus ka soo gaaray weerar ay Al-Shabaab ku qaaday hoteel u dhow Villa Somalia, arrin muujinaysa sida ay kooxda ugu dhowdahay xarunta madaxtooyada.

5. Gobolka Shabeellaha Hoose

Dagaallo isdaba joog ah ayaa ka dhacay aagga u dhexeeya Awdheegle iyo Garoonka No. 50, iyadoo labada dhinac ay marar badan is weydaarsadeen gacan ku haynta deegaanno muhiim ah. Dowladda laguma guuleysan inay dib u furto waddada isku xirta Afgooye iyo Buundada Muqdisho, halka waddada KM4 ilaa Juba Hotel laga xiro difaac ciidan, taas oo caddeyneysa in amniga caasimaddu uusan degganeyn.

Intii uu xilka hayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (2022–2025), kooxda Al-Shabaab waxay dib ula wareegtay dhul ballaaran oo ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud, iyo Shabeellaha Hoose. Dhismayaal muhiim ah, waddooyin istiraatiiji ah, iyo magaalooyin lagu sheegay in la xoreeyay ayaa maanta gacanta ugu jira kooxda.

Fashilka amniga iyo siyaasadda ee dowladda Xasan Sheekh waxaa sabab u ah:
• Maamul ciidan oo aan isku xirneyn.
• Maleeshiyaad beeleedyo lagu beddelay ciidankii qaranka.
• Dagaal siyaasadeed oo lagu beddelay qorshe amni.
• Iyo ku tiirsanaan hadal iyo sawirro halkii laga qaban lahaa qorshe dhameystiran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here