Home WARARKA E-Visa: Muranka fiisaha cusub iyo saamayntiisa

E-Visa: Muranka fiisaha cusub iyo saamayntiisa

21
0

Dawladda federaalka Soomaaliya waxay soo rogtay Nidaam fiise midaysan oo elegtaroonig ah. Kaas oo qasab kaga dhigaya qof kasta oo u safraya Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto, in uu internetka ka dalbado isaga oo ka dalbanaya hay’ada socdaalka ee dawladda federaalka.

Somaliland waa ay iska diiday siyaasadda fiisaha elegtarooniga ah. iyada oo ku nuuxnuuxsatay:
1- In aanu fiisahaasi ka shaqayn doonin xuduudaha laga soo galo Somaliland
2- In cid kasta oo Somaliland imanaysaa ay fiisaha dalkugalka qaadan doonto marka ay soo gaarto Garoonka Hargeysa ama wakiillada Somaliland ee debedda ay hore uga sii qaadan karto.

Siyaasad ahaan, dawladda federaalku waxay isu aragtaa in ay metesho dhammaan intii ay ka talin jirtay dawladdii Somaliya ee burburtay 1991kii. Sidaa darteed waa in dalkugalka E-visa uu wada quseeyo Soomaaliya oo dhan oo ay iyaga ugu jirto Somaliland.

Haddii la fiiriyo xagga sharciga (De jure), adduunku wuxuu Soomaaliya u aqoonsanyahay hal dal oo mid ah. Haddiise loo dhabbagalo runta (De facto): Somaliland iyada ayaa maamusha xuduudaheeda, Garoomada diyaaradaha, dekedeheeda, siyaasadda socdaalka, booliskeeda iyo noodhka lacagteeda.

Soomaaliya, way awooddaa in ay ku qasabto diyaarad kasta oo Somaliland u safraysa in aanay qaadin qof aan wadan dalkugalkeeda E-visa . Laakiin kuma qasbi karto Somaliland in ay aqbasho sharcinimada Soomaaliya E-visa.

Somaliland, waxay awooddaa in ay qof kasta oo madaarkeeda ka soo degaya siiso dalkugal cusub oo Somaliland ah. Waxay kale oo awooddaa in ay ruqsadda ka qaaddo diyaaradaha e-visa ku qasba musaafiriinta Somaliland u socda. Laakiin tan dambe ma samayn doonto oo waa laba-khasaare.

Yaa faa’iido qaba?

Dawladda federaalku waxay qabtaa waxoogaa faa’iido ah. Waxay muujisay murqeheedii. Waxaanay tani gelin kartaa naf kale oo ah in ay tallaabooyin kale ku dhiirrato (tallaabooyinkaas waa la sii saadaalin karaa laakiin mar kale ayeynu u dhigan).
Sidoo kale, waxay kasbanaysaa taageero gudaha ah oo shacab badan oo reer Soomaaliya ah, ayaa laga yaabaa in ay ku taageeraan cadaadiska Somaliland.

Somaliland, waxaa halkan ugu jiraa waxoogaa faa’iido ah. Waxa ugu weyn ee ay Somaliland weligeed rabtay wuxuu ahaa ICTIRAAF. Waxaase isctiraafka ka horreeya in cidi ku taqaan ama ay ku ogtahay. Arrintani waxa ay Somaliland u soo jiidaysaa in magaceedu meel aanu joogin gaadho, taas oo hal tallaabo u dhaweynaysa xaggii aqoonsiga. Sdoo kale, waxaa suurtagal ah in ay helaan midnimo gudaha Somaliland ah.

Yaa khasaare ku qaba?

1- Dhibbahana 1aad waa shacabka reer Somaliland iyo musaafiriinta kale ee Somaliland u socdaalaya. Laba lacagood oo weliba midda E-visa aan loogu adeegayn ayaa lagu qasbayaa.

2- Dhibbanaha 2aad waa isla shacabka reer Somaliland ee -si kasta oo ay siyaasad ahaan u rabaan Somaliland madaxbannaan- haddana aan qabin fikirkii Faysal Cali-Waraabe ee ahaa “Wiilka Addis ayaa iiga dhow wiilka Xamar”. Waxaa dhici karta in dad badan oo fikirkaasi uu geli waayey, ay qaataan fiisaha Itoobiya halkii ay ka qaadan lahaayeen fiisaha E-visa. Taas oo ku salaysnaanaysa mabda’ii Soomaalida ee ahaa “Rag ciilkii cadaab ka dooray”.

3- Dhibbanaha 3aad waa dawladda federaalka Soomaaliya iyo ciddii weli aaminsan midnimo. Sababtoo ah, haddii ay in uun wax rejo ah ka qabeen Shacabka reer Somaliland, waxay tani rejedaas ka dhigaysaa “Baabah”.

4- Dhibbanaha 4aad waa mustaqbalka dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo cunfi kasta oo qaarkood loo adeegsadaa uu u sii dhaweynayo “haadaanta dhaxalwareegga”. Sida ay khubaro badani qabaan, sannadka 2040 waa markii lagu libdhi lahaa “haadaanta dhaxalwareegga” iyada oo aan qolana ka badbaadi dooni. Waa haddii aan isutanaasul iyo isbeddel mucjiso ah la samayn intaas ka hor. Cunfiga siyaasadeed iyo ka mullateri, ma keeni doonaan isbeddelka mucjisada ah. Kan E-visa-na waa cunfi siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here