Odayaal ka kala socda Kenya, Somalia, Ethiopia oo ugu baaqay beelaha Waqooyiga Kenya inay u midoobaan nabadda ka dib rabshado lagu hoobtay oo ka dhacay magaalada Banessa.

0
10

Odayaal ka kala socda Kenya, Soomaaliya, iyo Itoobiya ayaa ugu baaqay beelaha Waqooyiga Kenya inay u midoobaan nabadda ka dib rabshado lagu hoobtay oo ka dhacay magaalada Banessa oo ay ku dhinteen 8 qof. Hogaamiyayaasha ayaa ka digaya in hubka laga soo tahriibiyo dalalka deriska ay sii hurinayaan amni darrada gobolka.

Hogaamiyeyaasha kulanka nabadeed ayaa ku booriyay dadka degan Waqooyiga Kenya inay la shaqeeyaan sharci fulinta si loola dagaallamo hubka fudud, oo ah qodobka ugu muhiimsan ee ka dambeeya amni darada sii kordheysa ee gobolka.

Kulankan oo uu hogaaminayay Gaashaanle (Rtd) Xuseen Abiiro, ayaa waxaa isugu yimid odayaal ka kala socday degmooyinka Mandheera, Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo helo qaab nabadeed oo ay ku wada noolaadaan beelaha kala duwan ee gobolka.

Abiiro waxa uu walaac ka muujiyay amni darrada Waqooyiga Kenya, oo uu u badan yahay hubka laga soo tahriibiyo Itoobiya iyo Soomaaliya. “Waa inaan u midownaa sidii aan arrintan wax uga qaban lahayn,” ayuu yiri.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay xudduudaha godan ee gobolka, laga bilaabo Raas Camboni ilaa Mandheera, taasoo sii xumaynaysa ka ganacsiga hubka sharci darrada ah.

Odayaasha ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in nabaddu ay horseed u noqoto horumarka gobolka, iyaga oo xukuumadda ka codsaday in la taageero qaab-dhismeedyada nabada ee soo jireenka ah sida golaha guurtida. “ Goluhu waxa uu halkan ku qaabeeyay nabadda iyo siyaasadda, oo ay ku jiraan doorashooyinkii 2013,” ayuu yidhi Abiro.

Hogaamiyayaasha ayaa ku dooday in awood ciidan oo kaliya aysan xalin doonin dhibaatada. “Nabadda laguma heli karo xoog oo keliya, wada-hadal iyo wada-shaqeyn lala yeesho hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa muhiim u ah xasilloonida mustaqbalka fog,” ayuu yiri Abiiro oo ku boorriyay dowladda inay odayaasha ka qayb-geliso dadaallada nabadda.

Iyadoo nabad-gelyo darro ay ka jirto Waqooyiga Kenya, odayaashu waxay rajeynayaan in hindisaha nabadeed ee ay wadaan bulshadu, oo taageero dawladeed, ay gacan ka geysan doonaan soo celinta xasilloonida gobolka iyo guud ahaan Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here