Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay inuu Dowladda Turkiga ka codsaday taageero diblomaasiyadeed oo ku saabsan dadaalka ay Addis Ababa ugu jirto helitaanka marin-badeed, xilli uu booqasho rasmi ah ku yimid madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Abiy ayaa shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen ku sheegay in arrinta “raadinta marin-badeed” ay ahayd qodobka ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen intii ay socotay booqashada Erdogan. Wuxuu xusay in ay yeesheen wada-hadallo xooggan oo wax ku ool ah, isaga oo soo dhaweeyay doorka Turkiga ee arrintan.
Itoobiya ayaa noqotay dal aan lahayn bad tan iyo markii ay Eritrea ka go’day sanadkii 1993, waxaana dowladda Addis Ababa marar badan ku celcelisay in helitaanka marin-badeed lagu kalsoonaan karo ay tahay mudnaan istiraatiiji ah oo qaran.
Booqashada Erdogan ayaa ahayd mid heer sare ah oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga ee Turkiga, waxaana ay ku soo beegantay xilli labada dal ay doonayaan inay xoojiyaan xidhiidhkooda dhaqaale iyo siyaasadeed, iyada oo sidoo kale la xusayo boqol guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay xidhiidhka labada dal sanadkii 1926.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay ballaadhinta ganacsiga, iyadoo mas’uuliyiinta Itoobiya ay sheegeen in labada dhinac ay doonayaan in ganacsiga laba geesoodka ah la gaadhsiiyo ugu yaraan $1 bilyan. Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashigooda Itoobiya, halkaas oo ay hore uga shaqeeyaan shirkado badan oo Turkiga ah, gaar ahaan warshadaha iyo dhismaha.
Dhinacyadu waxay sidoo kale isla soo qaadeen iskaashiga fagaarayaasha caalamiga ah, oo ay ku jiraan wada-hadallada cimilada ee shirarka COP31, kaas oo lagu qaban doono Turkiga sanadka soo socda, kadibna Itoobiya.
Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay kordhiyay doorkiisa diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika, isaga oo isu muujiyay lammaane muhiim ah oo dhinacyada ganacsiga, horumarinta iyo dhex-dhexaadinta khilaafaadka gobolka.
Ugu dambayn, Abiy ayaa ku tilmaamay kulamada kuwo miro-dhal ah, isaga oo sheegay in Ankara ay aqoonsan tahay muhiimadda istiraatiijiga ah ee Itoobiya ku leedahay gobolka.



