Home WARARKA Abiy Axmed oo waddamada jaarka ka codsaday in ay ka caawiyaan helidda...

Abiy Axmed oo waddamada jaarka ka codsaday in ay ka caawiyaan helidda marin uu ka gaadho Badda Cas

1
0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa mar kale ku celiyay baaqiisa ku aaddan xoojinta is-dhexgalka Geeska Afrika iyo in si nabad, wada-xaajood iyo is-afgarad ku dhisan loo helo marin Itoobiya u fura Badda Cas, isaga oo ku tilmaamay arrin lama huraan u ah badbaadada iyo horumarka fog ee dalkiisa.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid xilli uu Baarlamaanka Itoobiya u gudbinayay warbixin ka hadlaysa waxqabadka xukuumaddiisa, isaga oo ka qayb galay kulan su’aalo iyo jawaabo ah oo ay la yeesheen xubnaha Golaha Shacabka.

Isaga oo ka hadlaya diblomaasiyadda gobolka ayuu sheegay in dalalka Geeska Afrika ay wadaagaan dhaqan, luqad iyo taariikh isku xidhan, balse ay weli kala qaybiyeen faragelino dibadeed iyo dano is-diiddan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dalalka deriska ahi ay noqdaan kuwo iskaashi wadaaga, halkii ay noqon lahaayeen kuwo tartan iyo colaadi ka dhaxayso.

“Gobolkeenna waa mid aan kala go’ayn,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu, isaga oo ku booriyay dalalka Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan iyo Kenya in ay mudnaanta siiyaan wada-shaqayn ka madax bannaan ajandayaal shisheeye.

Abiy Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay dadaalka Itoobiya ugu jirto helidda marin badeed, isaga oo arrintan ku tilmaamay mid amni qaran iyo dhaqaale ahaanba muhiim u ah. Itoobiya ayaa noqotay dal aan bad lahayn sanadkii 1993, kaddib gooni-isu-taagga Eriteriya. Wuxuu xusay in muddo dheer ay jireen dareenno ku saabsan dekedda Casab, balse dalabka rasmiga ah ee ku aaddan marin badeed uu si muuqata u soo shaac baxay sannadkii hore.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Itoobiya, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 130 milyan oo qof, oo raadinaya xal nabadeed oo ku dhisan wada-xaajood iyo wax-is-weydaarsi hal ay adeegsan lahaayeen xoog, sida in dalalka deriska ah la siiyo saamiyo ka mid ah hantida qarankiisa ee waaweyn, oo ay ka mid yihiin Biyo-xidheenka Weyn GERD ama Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya, ama heshiisyo kirayn ama is-weydaarsi dhul.

“Ma doonayno in aanu xoog ku qaadano,” ayuu yidhi. “Arrintan waxa lagu xallin karaa mabda’a ganacsiga, nabadda iyo wada-hadalka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here