Home WARARKA Al-Shabaab oo qiratay sarkaal sare looga dilay Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada...

Al-Shabaab oo qiratay sarkaal sare looga dilay Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe

3
0

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in Sheekh Maxamed Saahal, oo ay ku naanaysi jireen Abu Usaama, laguna tilmaamay inuu ahaa madaxa guddiga abaarta ee kooxda, lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe.

Sida lagu sheegay bayaanka Al-Shabaab, duqeynta ayaa lala beegsaday Sheekh Abu Usaama xilli uu ku sugnaa deegaan ka tirsan gobolka, isagoo sida ay sheegeen ku howlanaa arrimo la xiriira gargaar iyo taakuleyn loo fidinayay bulshooyin ay saameysay abaartu.

Kooxdu waxay sidoo kale sheegtay in Sheekh Abu Usaama horey xilal uga soo qabtay Al-Shabaab, isla markaana uu muddo dhowr sano ah ahaa guddoomiye u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay kooxda ka talineysay deegaanno ka tirsan gobolkaas.

Bayaanka Al-Shabaab ayaa yimid saacado uun kadib markii hay’adaha Nabad-Sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ay shaaciyeen in duqeyn ka dhacday degmada Saakow lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo xilligaas aysan si rasmi ah u shaacin magaciisa.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo si toos ah u xaqiijinaya ama u beeninaya sheegashada Al-Shabaab ee ku saabsan geerida Sheekh Maxamed Saahal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here