Amiir Turki Al-Faysal oo ahaa ninkii ugu xil haynta dheeraa ee Sirdoonka Sacuudiga ayaa sheegay in Dagaalka ka dhanka ah Iiraan uu sanado qaadan karo isla markaana aanay si fudud looga guulaysan doonin Tehran.
Waxa uu xusay in marka uu eego niyadda ay Tehran u hayso beegsiga danaha Maraykanka iyo iska caabbinta xooggan ay kala hortagtay dalalka isbahaysanaya in ay muujinayso qorshe muddo dheer laga soo shaqaynayay.
Turki Al-Faysal ayaa Teleefishinka Maraykanka laga leeyahay ee CNN u sheegay in markii la dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee Iiraan haddii ay niyad jab ku dhici lahayd Xukuumadda Tehran laga guulaysan lahaaa taasina ay tahay midda ay damacsanayeen Washington & Tel Aviv.
Qorshaha lagu beegsanayo dalal uu kamid yahay Dalkiisa waxa uu ku micneeyay mid dabka sii gaarsiinaysa meelo kala duwan, waxa uu ka gaabsaday waxa ay la tahay sababta ay Iiraan u beegsatay Dalalka Khaliijka oo aan marnaba laga filanayn arrintaan.
Waxa uu si kale u dhigay digniintii Tehran ee ka horraysay weerarka 28kii Febaraayo oo ahaa in ay beegsan doonto dhammaan saldhigyada Maraykanka iyo danaha Israa’iil ee Bariga Dhexe balse hadalkaas la dhayalsaday ugu dambayn dhab noqday.
“Iiraan si fudud loogama guulaysan doonno, mana burburi doonno maamulkaas waqti dhow, waxaa dhici karta in uu dagaalka sii waqti dheeraado isaga oo socon kara sanado, marka la eego qorshaha Tehran waa mid dhinac weliba ka dhisan” ayuu yiri Amiir Turki Al-Faysal.
Sacuudiga, Imaaraatka, Baxrayn, Kuwait, Qatar iyo Dalal kale oo khaliijka ah ayaa khasaara xooggan kala kulmay duqaymaha Iiraan, waxaa fashilmay guud ahaan gantaalladii difaaca ee Maraykanka oo xitaa awoodi waayay in ay badbaadiyaan saldhigyadooda.



