Home WARARKA Australia oo wadda qorshe Soomaalida looga mamnuucayo inay dalkaas u safraan

Australia oo wadda qorshe Soomaalida looga mamnuucayo inay dalkaas u safraan

8
0

Dowladda Australia ayaa lagu eedeeyay in ay waddo qorshe sir ah oo la doonyo si ballaaran loo mamnuuco muhaajiriinta ka imaanaya 37 gobol oo ku yaalla 13 dal, waxaana ka mid ah Soomaaliya iyo Gaza.

Qorshahan oo lagu magacaabo “Fortress Australia” ayaa sida ay qortay The Guardian Australia, waxa uu muujinayaa in la diyaariyay liis gobollo lagu eedeeyay inay gacanta ku hayaan ururo argagixiso. Sababtaas awgeed ayaa la sheegay in si guud loo joojiyo dadka ka imaanaya meelahaas. Dalalka la xusay waxaa ka mid ah Soomaaliya, Nayjeeriya, Masar iyo Falastiin (Gaza).

Qorshuhu wuxuu ku doodayaa in aan si buuxda loo hubin karin dadka ka imaanaya meelaha ay maamulaan kooxo sida Al-Shabaab, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sameeyo mamnuucid guud. Waxa kale oo ku jira in la yareeyo tirada muhaajiriinta sannadkii la qaato, iyo in la masaafuriyo ilaa 100,000 oo magangalyo-doon iyo arday ah.

Arrintan ayaa soo baxday xilli khilaaf hoggaamineed ka dhex jiro xisbiga Liberal-ka. Hoggaamiyaha cusub ee mucaaradka, Angus Taylor, ayaa sheegay in uusan arkin qorshaha la dusiyay, balse muujiyay mowqif adag oo ku saabsan socdaalka. Wuxuu sheegay in dadka imaanaya Australia ay tahay inay aaminaan dimuqraadiyadda iyo qiyamka dalkaas.

Haddii qorshahan la hirgeliyo, wuxuu si weyn u saameyn karaa qoysaska Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee Geeska Afrika ee leh ehel ama xiriir waxbarasho oo Australia ah, maaddaama uu adkeyn karo mideynta qoysaska, fiisooyinka ardayda iyo fursadaha shaqo.

Ilaa hadda ma jiro go’aan rasmi ah oo laga gaaray, balse wararkan la dusiyay ayaa kiciyay dood cusub oo ku saabsan siyaasadda socdaalka ee Australia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here