Home WARARKA Axmed Madoobe: “Muqdisho Marti Kama Nihin ee Dowladnimada Soomaaliya ayaan badbaadineynaa

Axmed Madoobe: “Muqdisho Marti Kama Nihin ee Dowladnimada Soomaaliya ayaan badbaadineynaa

1
0

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in imaanshihiisa Muqdisho uu salka ku hayo ilaalinta jiritaanka dowladnimada Soomaaliya iyo raadinta xal waara oo looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee dalka ka jira.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabad casho ah oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo xildhibaano isku magacaabay xildhibaanada xorta ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si cad u sheegay in aan la aqbali karin wax kasta oo halis gelinaya midnimada iyo dowladnimada dalka.

“Waxaan u nimid Muqdisho inaan ilaalino dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana aan xal u helno khilaafaadka jira, Ma ogolaaneyno in dowladnimada la burburiyo,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Isagoo ka hadlaya joogitaankiisa caasimadda, ayuu si adag u xusay: “Muqdisho marti kama nihin, hoteelkeenna ayaannu deggan nahaye,” hadalkaas oo muujinaya mowqifkiisa ku aaddan lahaanshaha caasimadda iyo ka qeybgalka go’aanada masiiriga ah ee dalka.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu madasha kula soo biiro maadama xaalka uu u muqaal egyahay sanadkii 2021kii xilligaas uu Madaxweyne Xasan uu qeyb ka ahaa Mucaaradka Dowladdii Madaxweyne Farmaajo.

Munaasabadda cashada ah ayaa noqotay mid fariin siyaasadeed xambaarsan, iyadoo ay ka muuqato wada-tashi u dhexeeya hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka, xilli dalka uu wajahayo muran siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka iyo dib-u-eegista Dastuurka.

Illaa iyo hadda, lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo shirka ay hore u iclaamisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo la filayo in lagu gorfeeyo arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan habraaca doorashooyinka iyo hannaanka dastuuriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here