Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ka tagay Muqdisho kaddib markii ay fashilmeen wadaxaajoodyadii u dhaxeeyay madaxda mucaaradka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Saraakiisha Madaxtooyada Jubaland ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aden Adde maanta, iyaga oo aan wax heshiis ah ka gaarin kulammadii ay u yimaadeen waxaana ay kusii jeedaan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland.
Wadaxaajoodyadan ayaa looga gol lahaa in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee soo jiitamayay, hase yeeshee waxay ku dhamaadeen fashil, taas oo sii adkaysay xaalada siyaasadeed ee dalka.
Xildhibaan Xasan Firiinbi oo kamid ahaa mudanayaal Garonka usii galbisay Axmed Madoobe ayaa yiri “Waxaan ka sagootinay Madaxweynaha Jubaland garoonka diyaaradaha kadib markii wadaxaajoodyadii uu la lahaa Dowladda Federaalka ay fashilmeen, mas’uuliyadda fashilkaasi waxay saaran tahay dowladda dhexe.”
Dhanka kale, Dr. Maxamed Aadan Koofi oo ka tirsan xubnaha mucaaradka ayaa BBC u sheegay in arrimo muhiim ah oo looga maarmi waayay in Madoobe u safro magaalada Kismaayo ay keeneen inuu safarkaasi galo, isla markaana uu haddii loo baahdo dib ugu soo laaban doono magaaladaas.



