Home WARARKA Axmed Madowe oo xubnaha Xildhibaanada ee Bfs ee jubaland ku casuumay shir...

Axmed Madowe oo xubnaha Xildhibaanada ee Bfs ee jubaland ku casuumay shir aayo ka tashi ah,

5
0

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta soo saaray bayaan ayaa u yeeray xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ku metalaya maamulkaasi, isaga oo labada bishan ku casuumay shir ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in xildhibaannada lala sameyn doono wada-tashi ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, maadaama ay fashilmeen wada-hadalladii Villa Soomaaliya.

Xildhibaannada iyo Senatorrada laga soo doorto deegaannada Jubbaland ayaa durbo aqbalay martiqaadka Axmed Madoobe, waxaana qaarkood ay maanta u baxeen magaalada Kismaayo oo uu ka dhici doono shirka loogu yeeray.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ee ku aaddan qabashada kulan wadatashi ah oo uu la yeelanayo Xildhibaannada Labada Aqal ee ku matala Jubaland Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayay Senator Maryan Kaahin oo soo dhaweysay casuumadda uu u fidiyay madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale, waxa ay sii raacisay “Tallaabadan ayaa waxaa waxay muujinaysaa muhiimadda wada tashiga, isku-duubnida iyo xoojinta wada shaqeynta si loo ilaaliyo loona hormariyo danaha shacabka Jubaland iyo kuwa qarankaba”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here