Home WARARKA Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay dhammeystirka dib u eegista Dastuurka Dalka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay dhammeystirka dib u eegista Dastuurka Dalka

4
0

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay ansixinta dhammeystirka dib u eegista Dastuurka dalka, kaas oo qabyo ahaa tan iyo sannadkii 2012-kii.

Baarlamaanka ayaa si wadajir ah u ansixiyay Cutubyada 4-aad ilaa 13-aad ee Dastuurka Soomaaliyeed oo muddo dheer ahaa qabyo ahaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo kulanka shir-guddoominayay, ayaa ku dhowaaqay natiijada codeynta.

Wuxuuna sheegay inay ogolaadeen 185 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 37 Senator oo ka tirsan Aqalka Sare iyadoo mid ka mid ah uu ku codeeyay habka Online-ka.

Isu-geyn 222 xubnood oo ka tirsan labada Aqal ayaa codka kalsoonida siiyay dastuurka, mana jirin cid diiday Dastuurka, sida uu sheegay Guddoomiyaha.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo natiijada ka dib hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa yiri: “Dastuurka dalka sidaas ayuu ansax ku yahay Mashaa Allaah. Waxaan ugu hambalyeynayaa xildhibaanada iyo shacabka Soomaaliyeed guushan weyn ee la gaaray.”

Ansixintan Dastuurka ayaa soo afjareysa 13 sano dalka heystay Dastuur Kumeel gaar ah oo dowlad kasta ay ballan qaadi jirtay in ay dhammeystiri doonto, balse Xukumadda Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku guulleysatay dhammeystirka Dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here