Home WARARKA Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka 2026

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka 2026

17
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo si rasmi ah u ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, taas oo gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol, afartan iyo laba doollar).

Guddoomiyaha Guddiga Wadajirka Miisaaniyadda Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xildhibaan Cabdi Warsame Qowdhan, ayaa Golaha u soo bandhigay warbixinta akhrinta saddexaad ee Miisaaniyadda, isaga oo faahfaahin ka bixiyay qodobada ugu muhiimsan ee lagu saleeyay qorshaha miisaaniyadeed ee sanadka soo socda.

Kulankaan oo mudanayaal badan ay soo xaadireen maanta ayaa waxaa miisaaniyadda Dowladda ogolaaday 174 xildhibaan, halka afar xildhibaan ay diideen, hal xildhibaanna uu ka aamusay, sida lagu shaaciyay natiijada codbixinta ee uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2026 ayaa si gaar ah loogu daray lacag loogu talagalay Maaraynta Abaarta, maadaama la saadaalinayo in dalka ay ka dhici karto abaar la mid ah tii sanadkii 2011, haddii uusan roobku si ku filan u da’in.

Guddiga Miisaaniyadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo xogta la wadaagay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay soo jeedisay in lacagtan loo adeegsado wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha abaaraha.

Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi, oo ka tirsan Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, ayaa sheegay in $2.2 Milyan oo doollar oo keliya loo qoondeeyay maaraynta Abaarta, isla markaana ay ku shaqeyn doonto guddi gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here