Home WARARKA Baarlamaanka Itoobiya oo Ka Dooday Heshiiskii Somaliland kaddib Aqoonsiga Israa’iil

Baarlamaanka Itoobiya oo Ka Dooday Heshiiskii Somaliland kaddib Aqoonsiga Israa’iil

6
0

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Baarlamaanka Itoobiya ayaa su’aalo culus lagu weydiiyay halka ay ku dambeeysay xaaladda heshiiskii is-afgarad (MoU) ee Itoobiya laba sano ka hor la saxiixatay Somaliland, kaddib markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland.

Xildhibaanada ayaa intii uu socday fadhiga waydiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, iyo ku-xigeenkiisa—kuwaas oo kulanka joogay—inay caddeeyaan halka uu marayo heshiiskaasi iyo mowqifka Itoobiya ee Somaliland, Si kastaba ha ahaatee, labada mas’uul midkoodna si toos ah ugama jawaabin su’aalaha la xiriiray Somaliland.

newsinsideHeshiiska is-afgarad ee la saxiixay laba sano ka hor ayaa loogu talagalay in Itoobiya, oo ah dal aan bad lahayn, ay hesho marin badeed, isla markaana ay suurtagal noqoto kiraysiga saldhig milatari oo xeebta ah.

Tallaabadan ayaa dhalisay khilaaf diblumaasiyadeed iyo mid amni oo xooggan oo dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Ugu dambayn, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay bayaan wadajir ah oo lagu xallinayo khilaafka ka dhashay heshiiskaasi ay Somaliland lagashay Ethiopia, iyadoo Turkigu dhexdhexaadiye ka ahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gedion Timothewos, oo ka gaabsaday inuu si toos ah uga jawaabo su’aalahaas, ayaa sheegay in Itoobiya ay xiriir wanaagsan la leedahay inta badan dalalka dariska la ah, isla markaana ay kawada shaqeeyaan arrimo badan, Isagoo ka hadlayay su’aalaha ku saabsan dekedaha iyo marin-badeedka, wasiirku wuxuu xusay in ku lug lahaanshaha Itoobiya ee Badda Cas ay si istiraatiiji ah ula jaanqaaddo danaha fog ee dalka.

Wuxuu u sheegay xildhibaanada in Itoobiya ay lumisay marin-badeedkeedii natiijada waxa uu ku tilmaamay qorshe muddo dheer la dejinayay, isagoo carrabka ku adkeeyay in xal degdeg ah uusan suurtagal ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here