Home WARARKA Bangiga Adduunka oo laga cabsi qabo inuu jaro taageerada miisaaniyadda Soomaaliya

Bangiga Adduunka oo laga cabsi qabo inuu jaro taageerada miisaaniyadda Soomaaliya

4
0

Warar diblumaasiyadeed ayaa muujinaya in Bangiga Adduunka laga cabsi qabo inuu jaro kabka miisaaniyadeed ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, haddii aan xal degdeg ah laga gaarin khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ka hor bisha May ee soo socota ay suuragal tahay in la hakiyo taageerada dhaqaale, haddii aan horay loogu guulaysan heshiis laga gaaro hannaanka doorashooyinka dalka. Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo saameynta ay ku yeelan karto dhaqaalaha dowladda iyo adeegyada aasaasiga ah.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in qaar ka mid ah dowlad goboleedyada mucaaradsan dowladda dhexe ay riixayaan tallaabadan, iyagoo ku doodaya in marka la gaaro 15-ka May uu dhammaanayo muddada sharciyeed ee hoggaanka dowladda, taasoo keeni karta in taageero kasta oo caalami ah loo arko mid si gaar ah ugu dhacaysa dowlad aan haysan sharciyad buuxda.

Bangiga Adduunka ayaa sanad walba Soomaaliya siiya taageero u dhaxaysa $100 milyan ilaa $200 milyan, taasoo lagu taageero dib-u-habeynta nidaamka canshuuraha, maamulka maaliyadda, hufnaanta, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, iyadoo lagu xiro shuruudo siyaasadeed iyo dhaqaale.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee xaalad noocan ah ay dhacdo. Bishii March 2021, Bangiga Adduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ka mid tahay Sacudi Carabiya ayaa hakiyay taageeradii ay siin jireen Soomaaliya, kadib muran siyaasadeed iyo eedeymo la xiriiray muddo xileedkii dowladda iyo ku tagri-fal awoodeed oo lagu eedeeyay Dowladdii hore madaxweyne Farmaajo uu hoggaaminayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here