Home WARARKA Beesha Caalamka oo Maamulka Jubbaland kala hadashay shirka lagu qabanayo Kismaayo

Beesha Caalamka oo Maamulka Jubbaland kala hadashay shirka lagu qabanayo Kismaayo

16
0

Wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo James Swan iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Jubbaland ayaa lagu sheegay in kulan looga hadlay xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya iyo sidii loo xallin lahaa tabashooyinka jira.

Axmed Madoobe ayaa warbixin siiyay Wafdigaan sare ee ka socda Qaramada Midoobay, si gaar ah isagoo uga hadlay shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Kismaayo ee ay yeelan doonaan Mucaaradka.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la falanqeeyay caqabadaha taagan iyo fursadaha lagu xoojin karo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri Bayaanka Jubbaland.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay xubnaha Mucaaradka ay wadeen qorshaha shir wayne looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo khilaafka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here