Deegaanka Harboole ee Degmada Faafi Ismaamulka Gaarisa waxaa biriq ku dhacday ay dishay labo qof oo mid kamid ah uu yahay Nin da’ ah sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka ah oo xogtaan Warbaahinta la wadaagay.
Xiligii biriqda ay dhacaysay waxaa da’ayay roob goos goos ah, labada qof ee geeriyootay ayaa bannaanka uga soo baxay gurigooda waxaana ku dhacday biriqdaas oo ugu dambayn ay ku dhinteen sida ilaha xogtaan soo gudbiyay ay sheegeen.
Maamulka Gaarisa weli sooma gudbin Magacyada Labada qof ee Biriqdu dishay maadaama inta badan marka ay dadka ku dhintaan shilalka & biriqda ay soo gudbiyaan, waxaana socda xog-kaydin ay wadaan sida wararku sheegayaan.
Qaybo kamid ah Ismaamulka Gaarisa waxaa ka bilowday roob si goos goos ah u da’aya, halka meelaha qaar laga soo sheegayo in ay weli ka muuqato raadadka ka dhashay Abaarta saamaynta taban ku reebtay Ismaamulkaas.



