Home WARARKA Booliiska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigey guddoomiye laameed ku eedeeysan inuu xabadeeyay...

Booliiska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigey guddoomiye laameed ku eedeeysan inuu xabadeeyay dad rayid ah

11
0

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhiga degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu maanta dad rayid ku xabadeeyay gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Ninkan ku eedeysan inuu si bareer ah u xabadeeyay dadka rayidka ah ayaa lagu magacaaba Sakariye Cabdi Ibraahin, waxaana la sheegay inuu yahay gudoomiye laameed ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Sakariye Cabdi Ibraahim ayaa laga soo duubay Muqaal muujinayay isagoo xabadeeynaya dad rayid ah oo isugu jira rag iyo dumar, walow aanan wali si rasmi ah loo shaacin sababta keentay inuu xabadeeyo dadka rayidka ah oo ay ku jirtay hooyo Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir  ayaa lagu xaqiijiyay in eedaysanaha uu hada ku jiro gacanta Booliiska, islamarkaana lagu wado in la horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh si loo mariyo cadaaladda.

“Eedaysanaha ayaa ah Guddoomiye Laameed ka tirsanaa Waaxda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxa uu ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda ku shaqada leh” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.

Talaabadaan lagu soo xiray guddoomiye laameedka ku eedeysan inuu si bareer ah u xabadeeyay dadka rayidka ah ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku nool degmada Yaaqshiid, waxaana mudooyinkii dambe soo kordhaayay talaabooyinka deg deg ah oo ay ciidan Booliiska ka qaadayaan dadka iyo askarta xadgudubka kula kaca muwaadiniinta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here