Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaal dil ka gaystay Gobolka Salal, kaas oo ay ku dhinteen laba nin, halka sidoo kalena lagu daba jiro eedeysanayaal kale.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Somaliland, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in booliisku gacanta ku hayo kiiska dilka Yuusuf Cabdillaahi Xuseen iyo Mustafe Jaamac Faarax, kuwaas oo 18-kii bishan lagu dilay deegaanka Indho-Biraale ee Gobolka Salal.
“Ciidanka booliisku markii ay dhacdadu dhacday si degdeg ah ayay u hawlgaleen, waxaana ay soo qabteen eedeysanayaal lagu tuhunsan yahay in ay falkaasi ku lug lahaayeen, halka kuwo kalena ay ciidanku ku daba jiraan,” ayuu yidhi afhayeenku.
Afhayeenku waxa uu sheegay in aan sinaba loo cafin doonin dadka gaystay falka dilka ah, isaga oo xusay in ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo suuragal ah si loo soo qabto dhammaan cidda ku lugta lahayd. Sidoo kale, waxa uu dadka deegaanka ugu baaqay in ay is dejiyaan isla markaana ay war ka sugaan Ciidanka Booliiska.
“Arrinta ka dhacday deegaankaasi waa arrin aad u xun oo aan dadkeennu caado iyo dhaqan midna u lahayn. Waxaannu uga digaynaa cid kasta oo fal noocaas ah ku kacda in ay la kulmi doonto cawaaqib xumo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenku.
Waxa uu intaa ku daray in Ciidanka Booliisku ay wadaan hawlgallo ballaadhan oo lagu baadi-goobayo dadka ka qayb qaatay dilka, isaga oo ka codsaday bulshada in ay la soo wadaagaan macluumaad kasta oo ay ka hayaan cidda ay ka shakiyaan.
Inkasta oo aan weli la hayn faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sida uu dilku u dhacay, haddana wararka la helayo ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay waddo u galeen labada marxuum, rasaasna ku fureen, taas oo sababtay geeridooda.



