Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay dil horey uga dhacay deegaan ka tirsan degmada Laascaanood, kaddib howlgal ay iska kaashadeen qeybaha kala duwan ee booliska.
Taliska gaar ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada CID ayaa sheegay in ninkan horey looga soo saaray waaran qabasho, isla markaana muddo dheer ay ku raadjoogeen laamaha amniga.
Eedeysanaha ayaa ugu dambeyn laga soo qabtay magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo lagu fuliyay howlgal qorsheysan.
Booliska ayaa sheegay in ninka la qabtay loo gudbiyay ciidamada ammaanka ee maamulka Waqooyi Bari, si loogu horgeeyo maxkamadda awoodda u leh, iyadoo la filayo in lagu qaado dacwad ku saabsan falka dilka ah ee lagu eedeeyay.
Mas’uuliyiinta CID ayaa xusay in howlgallada noocan oo kale ah ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka dambiyada culus ee dalka.
Dhinaca kalena taliska ciidanka Booliiska Waqooyi Bari ayaa sheegay in eedeysanahan oo muddo baxsad ahaa qabashadiisa loo arko guul amni oo weyn.
Eedeysanaha waxaa loo haystaa inuu ka dambeeyay dil ka dhacay degaanka Dharkeyn-geenyo ee gobolka Sool.
Mas’uuliyiinta ammaanka Waqooyi Bari ayaa sheegay in tani ay fariin adag u dirayso cid kasta oo fal dembiyeed geysata, iyagoo caddeeyey in baxsadku aanu ahayn waddo looga baxsan karo cadaaladda.



