Ciidamada amaanka ee ka howlgala degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa gacanta kusoo dhigay mid ka mid ah saraakiisha ugu halista badnaa kooxda Al-shabaab ee gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Baardheere.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in Sarkaalkan uu kooxda u ahaa mashiin muhiim u ah oo u qaabilsanaa degmada Baardheere iyo deegaanada kale ee ku dhadhaw oo uu ka fulin jiray falalka amni darada iyo curyaaminta dhaqaalaha dadka shacabka ah ee ku nool degmada Baardheere.
Sarkaal oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Shariif Xuseen ayaa Al-shabaab u qaabilsana degmada Baardheere dhanka qaraxyada, gaar ahaan miinooyinka lagu aaso wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa degmada Baardheere iyo arimo kale.
“Dhagar qabe Maxamuud Shariif Xuseen ayaa kooxda khawaarijta u qaabilsanaa saddex shaqo oo khatar ah kuwaas oo kala ahaa inuu waddooyinka ku aasi jiray miinooyinka lagu waxyeeleeyo gadiidka Ciidanka Ammaanka iyo kuwa dadweynaha iyo xogtada ganacsatada gobolka Gedo si khawaarijta u dhacdo ganacsaada hantidooda wuxuu sidoo kale u qaabilsanaa gudbinta saadka khawaarijta”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.
Waxaa sidoo kale warka kasoo baxay dowladda Fedaraalka lagu sheegay in sarkaalkan ka tirsana Al-shabaab uu qirtay in miinooyin uu horay u aasay uu ku dhintay mid ka mid ah Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ee degmada Baardheere.



