Home WARARKA Ciidamada ammaanka oo Baladxaawo kawada howlgallo lagu raadinayo Dad dilal ka gaystay...

Ciidamada ammaanka oo Baladxaawo kawada howlgallo lagu raadinayo Dad dilal ka gaystay Degmadaas

15
0

Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo DG Jubbaland waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah kooxo hubaysan oo dilal ka gaystay Degmadaas, 5 ruux ayaa lagu dilay Degmadaas xalay iyo aroornimadii hore ee saakay sida warbaahinta u sheegeen Dadka sugusan Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo .

Dadka la dilay waxaa kamid ah labo wiil oo isla dhalatay sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka, hal goob ayay kuwada sugnaayeen, waxaa u tagay koox hubaysan oo ugu dambayn si toos ah u toogatay wiilashaas walaalaha ah & labo kale oo la joogtay.

Saakay qof hubaysan ayaa dil kale ka gaystay isla degmada Baladxaawo, Ciidamada Booliiska ayaa billaabay raadinta kooxahaan dilalka gaysanaya oo la sheegay in arrintoodu salka ku hayso aano dilal horay uga dhacay Degmadaas.

Dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ayaa muddooyinkii dambe ka dhacay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kooxo hubaysan oo hab beel u abaabulan ayaa beegsaday Dad isugu jira Rag, Dumar iyo Carruur, weliba waxa ay nafta dhaafiyeen dad isku ehel ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here