Ciidamada Xoogga Dalka oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa dagaal Al-Shabaab kula galay deegaannada Godka Galayda & Shoolka oo u dhaxeeya Towfiiq iyo Wardhaadhi ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Saraakiil hoggaaminaysa ciidamada Deegaanka ee Macawiisleyda ayaa sheegay in khasaara xooggan oo dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay Dagaalkaas inkasta oo warar la helayo ay sheegayaan in duqaymo ay ka dhaceen deegaanno kale oo halkaas ka dhow.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si dhab ah uma faahfaahin khasaaraha dhankooda soo gaaray iyo kan ay gaarsiiyeen ‘AS, saraakiil katirsan ciidanka Xoogga ayaa shaaciyay in muddooyinkii dambe ay is uruursanayeen Al-Shabaab .



