Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xooga oo kaashanaya ciidamada AUSSOM , gaar ahaan kuwa ka socda Dalka Uganda , ay saacadihii la soo dhaafay si rasmi ah ula wareegeen gacan-ku-haynta deegaannada Daarusalaam iyo Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo horey gabaad iyo xarumo istiraatiiji ah ugu lahaa Al-Shabaab.
Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Hawlgalka oo lagu magacaabo “Hillaac”, isla markaana qayb ka ah hawlgallada ballaaran ee ka dhanka ah Al shabaab inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa si gaar ah loogu beegsaday goobo ay Al-Shabaab u adeegsan jireen maxkamado ay ku cabburi jireen shacabka, xarumo ay ku dhuumaaleysan jireen horjoogayaal sare, iyo meelo laga soo abaabuli jiray weerarro iyo qaraxyo ka dhan ah bulshada rayidka ah.
Intii uu socday hawlgalku Wasaaradda waxa ay cadeeysay in la gaarsiiyay Al-Shabaab jab xooggan, islamarkaana la burburiyay fariisimo iyo bakhaarro hub iyo saanad ciidan oo ay ku lahaayeen labada deegaan.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay agabyo ciidan iyo dukumiintiyo la xiriira abaabulka falalka argagixisada.
Ciidamada Xooga ay si buuxda ula wareegey amniga goobaha la xoreeyay, halkaas oo ay ka wadaan hawlgallo sifeyn iyo xaqiijin ah si loo baacsado haraadiga Kooxda Al shabaab.




