Afhayeenka rasmiga ah ee Ciidamada Isbahaysiga Carabta ee taageera dowladda Yemen, Sarreeye Guuto Turki Al-Maaliki, ayaa shaaca ka qaaday faahfaahin cusub oo ku saabsan baxsashada guddoomiyaha Golaha KMG ah ee Koonfurta Yemen, C/ruus Al-Zubaidi, kaddib bayaan ay hore u soo saartay hoggaanka Isbahaysigu.
Sida uu sheegay afhayeenku, xog sirdoon oo la helay ayaa muujinaysa in C/ruus Al-Zubaidi uu habeenkii si qarsoodi ah uga baxay magaalada Cadan, isaga iyo shaqsiyaad kale, iyagoo badda kaga baxay dekedda Cadan kuna sii jeeday Dekedda Berbera ee ku taalla Somaliland.
Al-Maaliki ayaa sheegay in kooxda baxsatay ay demiyeen nidaamka aqoonsiga maraakiibta (AIS), isla markaana ay gaareen Dekedda Berbera duhurnimadii shalay, Halkaas ayuu C/ruus Al-Zubaidi kula xiriiray sarkaal lagu naanayso “Abu Saciid”, oo markii dambe la ogaaday inuu yahay Sarreeye Guuto Cawad Saciid Musleh Al-Ahbabi, taliyaha hawlgallada wadajirka ah ee Imaaraadka Carabta.
Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in diyaarad ay sugaysay kooxda, taas oo ka duushay Berbera iyadoo aan la shaacin halka ay u socoto, kadib markii ay raaceen iyagoo ay kormeerayaan saraakiil Imaaraad ah.
Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho duhurnimadii shalay, halkaas oo ay ku sugnaatay ku dhawaad hal saac, ka dibna ay u duushay dhanka Khaliijka Carabta iyada oo sii martay Badda Carbeed.
Waxaa sidoo kale la sheegay in nidaamka aqoonsiga diyaaradda la demiyay markii ay dul mareysay Gacanka Cumaan, isla markaana dib loo shiday toban daqiiqo ka hor inta aysan ku degin Garoonka Milatariga ee Al-Reef ee Abu Dhabi fiidnimadii shalay.
Markii dib loo eegay diiwaanka doonida badda ee qaaday kooxda baxsatay, ayaa la ogaaday inay ku diiwaangashan tahay calanka dalka Saint Kitts and Nevis, taas oo ah isla calanka ay sidday markabka “Green Land” ee horay loogu eedeeyay inuu hub iyo gaadiid dagaal u soo qaaday dekedda Mukalla, isagoo ka yimid dekedda Fujairah, sida ku xusan bayaan Isbahaysigu soo saaray 30-kii Diseembar 2025.
Ugu dambayn, afhayeenka Ciidamada Isbahaysiga ayaa sheegay in ay weli socdaan baaritaanno ku saabsan halka ay ku dambeyeen qaar ka mid ah shaqsiyaadkii ugu dambeeyay ee la kulmay C/ruus Al-Zubaidi ka hor baxsashadiisa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Axmed Xaamid Lalas, guddoomiyihii hore ee Cadan, iyo Maxsin Al-Wali, taliyaha ciidamada amniga ee Cadan, kuwaas oo la sheegay in xiriirkoodi la waayay.



