Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in ciidammada Maraykanku ay weerar culus ku qaadeen dalka Venezuela, isla markaana ay gacanta ku dhigeen Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, kaddib howlgallo militari oo xalay ka dhacay caasimadda Caracas iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.
Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Truth Social ayaa sheegay in “Maraykanku si guul leh u fuliyay weerar ballaadhan oo ka dhan ah Venezuela, isla markaana la qabtay Madaxweyne Nicolas Maduro iyo xaaskiisa, lagana soo saaray dalkiisa.” Wuxuu intaas ku daray in faahfaahin dheeraad ah uu ka bixin doono shir jaraa’id oo ka dhacaya Mar-a-Lago, Florida.
Sarkaal Maraykan ah ayaa wakaaladda Reuters u xaqiijiyay in Maduro ay qabteen ciidammo gaar ah oo Maraykan ah, inkasta oo dawladda Venezuela ayna si rasmi ah u xaqiijin qabashadiisa ama ka bixitaankiisa dalka.
Wasaaradda Difaaca Venezuela ayaa si adag uga falcelisay hadalka Trump. Wasiirka Difaaca, Vladimir Padrino, ayaa sheegay in Venezuela ay si buuxda u diidantahay joogitaanka ciidammo shisheeye, kuna tilmaamay weerarka mid ka dhan ah madax-bannaanida iyo qarannimada dalka. Wuxuu ugu baaqay shacabka Venezuela inay midoobaan oo ay iska caabiyaan waxa uu ku tilmaamay “gardarro shisheeye.”
Saacado ka hor hadalka Trump, qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay magaalada Caracas iyo gobollo kale, taas oo keentay in xukuumadda Maduro ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah isla markaana ay heegan galiso ciidammada. Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerari cirka ah iyo qaraxyo ay socdeen muddo ku dhow hal saac iyo badh, isla markaana korontadu ay go’day qaybo ka mid ah caasimadda.
Dalal ay ka mid yihiin Cuba iyo Iran ayaa cambaareeyay weerarka Maraykanka, iyaga oo ku tilmaamay xadgudub cad oo lagu sameeyay madax-bannaanida Venezuela, kuna baaqay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu arrinta soo farageliyo.
Trump ayaa muddo bilo ah ku cadaadinayay Maduro inuu xilka ka dego, isaga oo ku eedeeyay musuq doorasho iyo ku lug lahaansho daroogo. Dowladda Venezuela ayaa dhankeeda ku eedeysay Maraykanka in uu doonayo inuu la wareego kheyraadka saliidda iyo macdanta dalka, oo ah kuwa ugu waaweyn dunida.
Weerarkan ayaa noqonaya faragelintii militari ee ugu horreysay ee Maraykanku uu ka sameeyo Latin America tan iyo duullaankii Panama ee 1989.



