Home WARARKA Ciidanka Booliska Somaliland oo baadhaya Askar dhiibaato u gaysatay Nin u dhashay...

Ciidanka Booliska Somaliland oo baadhaya Askar dhiibaato u gaysatay Nin u dhashay Suuriya

1
0

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa war ka soo saaray warar lagu baahiyey baraha bulshada oo la xidhiidha kiis nin u dhashay dalka Suuriya, kaas oo muuqaalladiisa lagu faafiyay baraha bulshada, iyada oo ciidamo booliis ahi ay dhibaataynayaan.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa lagu xaqiijiyey in ninkaas loo jiray waaran qabasho oo ay soo saartay Maxkamadda Degmada Hargeysa, sidaas darteedna qabashadiisu ay ku salaysnayd amar sharci ah, lakiin askar ciidanka ka tirsani ay dhibaato u gaystay.

Si kastaba ha ahaatee, Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay si weyn uga xun yihiin qaabka ay wax u dhaceen intii uu socday hawlgalka lagu fulinayey qabashada ninkaasi. Waxa ay intaas ku dareen in si degdeg ah tallaabo looga qaaday askartii ku lug lahayd falkaas, isla markaana uu socdo baadhitaan dheeraad ah oo arrinta lagu eegayo.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa mar kale sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo dhammaan dadka ku sugan Somaliland “Si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka dalka u yaalla” ayaa lagu yidhi qoraalka Booliiska.

Muwaadinka Suuriyaanka ah oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in arrintu ay ka bilaabmantay dacwad dhex martay gabadh ay guri ka kiraysteen, isla markaana ku lahayd lacag kiro, isaguna uu ku lahaa lacag uu adeeg ugu fuliyay, taasi oo sababtay in kiiskoodu uu maxkamada gaadho.

Waxa uu sheegay in askartu ay xad gudub u gaysteen isla markaana uu cadaalad u baahanyahay, waxa uu intaa ku daray in booliisku ay qaadeen tallaabadii kowaad, oo ay xabsiga dhigeen askartii dhibka u gaystay.

Askarta ayaa kasoo muuqday baraha bulshada iyaga oo garaacaya ninka Suuriyaanka ah, oo dhulka fadhiya isla markaana calaacalaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here