Home WARARKA Ciidanka dowladda oo si buuxda ula wareegay deegaanada Dhanaane iyo Gandarshe ee...

Ciidanka dowladda oo si buuxda ula wareegay deegaanada Dhanaane iyo Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose

9
0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa si buuxda kooxda Al-shabaab ugala wareegay deegaanada Dhanaane iyo Gandarshe oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa labadi todobaad ee lasoo dhaafay howlgalo culus oo ka dhan aha Al-shabaab ka waday inta u dhaxeysa magaaloyinka Marka iyo Muqdisho oo deegaano badan kaga sugnayeen Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay iney si buuxdo gacanta ugu hayaan labada deegaan ee muhiimka ee Dhanaane iyo Gandarshe oo kooxdu gacanta ku haysan ku dhawaad 20 sano.

Howlgalka lagu xureeyay labadan deegaan lama shaacin wax khasaaraha ka dhashay, waxaana sidoo kale Saraakiishu ay sheegeen in wadooyinka iyo gudaha deegaanadan iney ka saareen miinoyin badan oo kooxdu aastay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidamadu ay la wareegeen inta badan tuulooyinka hoostaga deegaanada Dhanaane iyo Gandarshe, kuwaas oo ay ka mid yihiin Galsalimow, Ceel salini, Galka jimcoy, Jabad ari, Cisman gurey, Halambe, Garas, Gawan iyo Aw maki.

Ugu dambeyntii saraakiisha Kumaandooska Danab ee howgalkan guuleystay hoggaaminayay waxay sheegeen iney sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ilaa inta ay ka ciribtirayaan kooxda guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here