Home WARARKA Dad isugu jira Xoolo dhaqato & Beeralay oo abaar darran ku haysato...

Dad isugu jira Xoolo dhaqato & Beeralay oo abaar darran ku haysato Deegaanno katirsan DG Koofur Galbeed

6
0

Dad isugu jira Xoolo dhaqato iyo Beeralay oo intooda ku nool deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa wajahaya xaalado dhanka Nolosha ah, waxa ay dalbadeen in la gacan qabto si ay uga soo kabtaan dhibaatada haysato.

Qaar kamid ah qoysaskaas ayaa sheegay in ay dhibaato adag ku qabaan helista biyo iyo wixii ay cuni lahaayeen, waxa ay intaas ku dareen in xaaladaha haysta ay sababeen in ay qoysaska qaar isaga tagaan deegaannadooda.

Xildhibaanno & Senataro katirsan Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in gargaar degdeg ah lala gaaro dadka abaaruhu saamaynta taban ku reebeen oo qaarkood xoolihii ay dhaqanayeen kasii dhammaanayo.

Waxa ay soo jeediyeen in la garab istaaggo dadkaas si loo dabaqabto xoolaha yar ee u haray isla markaana dib u dejin loogu sameeyo deegaannadooda loona fududeeyo helista waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladaha siyaasadeed ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa dahaaray arrimaha dhinaca bani aadamnimada, qoysas badan ayaa billaabay in ay isaga tagaan deegaannadooda si ay u raadsadaan goobo xasiloon kuna heli karaan caawinaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here