Dagaal u dhexeeya ciidamo beeleed ka kala tirsan beelaha wada dega gobollada Somaliland ee Awdal iyo Salal ayaa maanta dib u qarxay, kadib markii shalay uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ku dhawaaqay in heshiis laga gaadhay colaadda.
Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Kulmiye iyo Kaah ayaa beelaha ay colaadu u dhexayso ugu baaqay in ay colaadda joojiyaan oo ay nabad qaataan, iyaga oo sheegay in colaadda socota ay tahay arrin laga xumaado.
“Waa nasiib darro weyn colaadda maanta gobolka ka dhex jirta, dadka walaalaha ah, beelaha wada dega ee dhiigga iyo dhaqanka wadaaga. Waxa aanu ugu baaqaynaa in ay colaadda joojiyaan, in wada hadal laysugu yimaado oo wixii la kala tabanayo laga wada hadlo,” ayuu Guddoomiyaha Xisbiga Kaah, Maxamuud Xaashi Cabdi, yidhi.
Waxay xukuumadda ugu baaqeen in ay qorshe cad ka yeelato colaadda ka taagan deegaannada galbeedka, isla markaana ay si degdeg ah u soo afjarto.
“Xukuumadda waxa aanu leenahay, waxa aanu doonaynaa in ay qorshe u samayso nabadaynta gobolka Awdal, kana bilaabato sidii xabbad joojin loo samayn lahaa, sidii ciidamo beeleedyada loo kala durkin lahaa, iyo sidii cudud ballaadhan oo qaran loogu kala celin lahaa,” ayuu Maxamuud Xaashi sii raaciyay hadalkiisa.
Waxa uu sheegay in xukuumaddu arrinta ku gashay qorshe dhicis ah, taladeeduna noqotay mid dhicis ah.
Wasiir Cabdalle ayaa sheegay in xukuumaddu ay diiday in la arko dad shacab ah oo hubaysan, isaga oo sheegay in dhammaan deegaannadii ay fadhiyeen ciidamo beeleedka la maray, isla markaana odayaasha laga saxeexay nabadgelyo buuxda.
Waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin xuduudaha galbeedka, isla markaana aanay jirin ciidamo beeleed ka soo tallaabay xuduudaha Jabuuti iyo Itoobiya, isaga oo wararka sidaas tilmaamay ku sheegay been abuur.
Waxa uu sheegay in la soo xidhay nabaddii beelaha wada dega gobollada Awdal iyo Salal, isla markaana wixii hadda ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo kicin dadweyne samaysa ama nabadda ka hor timaadda.



