Dagaal u dhaxeeyay askar ka wada tirsan ciidanka dowladda federaalka ayaa maanta ka dhacay xaafadda Kaawo Godeey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa bilowday ka dib markii qilaaf soo kala dhax galay Askakaisan Dowlada soomaaliya sida ay warbaahinta u sheegeen Dad goob joogayaal ah.
Inta la xaqiijiyey labo askarkatii Dagaalantay ayaa ku dhaawacantay Dagaalkaas ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Wararka qaar sidoo kale ka helayno xaafaddan ayaa sheegaya in barakac xooggan uu halkaasi ka socdo, iyadoo shacabkii deganaa Kaawo Godeey ay bilaabeen in xaafadaha kale ee degmada Wadajir u barakacaan.
ilaa iyo hada ma jiro wax maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo ka hadlay Dagaalkaas ka dhacay maanta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir



